Ololaha Lagu Doonayo In Deganka Garasbaaley Looga Dhigo Degmo Katirsan G/Banadir Oo Sii Xogeysanaya.

0
535

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa bilaabay olole ku aadan sidii Garasbaaley loogu aqoonsan lahaa degmo ka tirsan Gobolka Banaadir.

olo-lahan ayaa umuqanaya iminka mid sii xogeysanaya.

Xildhibaano ay ka mid yihiin Eng. C/qaadir Carabow, Drs. Mina Xasan Shibis, Xildhibaan Yuusuf Kabaale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Maxamed Ganey, Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci iyo Xasan Mudey ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanka Garasbaaley ee duleedka koofureed ee Muqdisho.

Kormeerka Xildhibaanadan ayaa ujeedkiisa ahaa xuquuq raadinta sidii Garasbaaley u noqon laheyd degmo, waxaana ay booqdeen Xarunta degmada, Isbitaal ku yaala deegaankaas iyo Xarun jaamacadeed.

Xildhibaanadan ayaa balan qaaday inay geed dheer iyo geed gaaban u fuuli doonaan, sidii xuquuqda degmo-nimo u heli laheyd Garasbaaley, waxaana ay sheegeen in deegaanka Garasbaaley uu yahay deegaan u dhameystiran adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa iyo shuruudihii uu ku buuxin lahaa degmo.