Man United Oo Old Traffrod Ku Garaacday Chelsea, Warbixin+ SAWIRRO.

0
322

Manchester United ayaa ugu danbayn iska reebtay inkaartii sanadaha badan ka soo haysatay Chelsea wuxuuna Jose Mourinho awooday in uu ka aarsado Antonio Conte iyo kooxdiisii hore ee Blues. Man United ayaa sabab u noqotay in Chelsea ay soo gaadho guuldaro xanuun badani isla markaana uu dib u furmo tartanka koobka Premier Leaque-gu iyada oo Tottenham hadda afar dhibcood oo kaliya ka hoosaysa Chelsea.

Marcus Rashford iyo Ander Herrera ayaa Mourinho iyo kooxdiisa u horseeday guul dahabi ah oo ay sarre ugu soo qaadeen hamigooda ah in ay xili ciyaareedkan ku dhamaystaan afarta kaalmood ee Champions Leaque-ga loogu soo baxayo.

Man United oo aan Chelsea wax guul ah ka gaadhin kulan Premier Leaque-ga ah sideedii kulan ee ugu danbeeyay. Man United ayaa afar dhibcood u soo jirsaday kaalinta afraad ee Manchester City ku jirto balse United ayaa ciyaartay 31 kulan halka Man City ay ka ciyaartay 32 kulan taas oo sarre u qaadaysa in Mourinho uu aamini karo in kooxdiisu ay kaalmaha sare ku soo bixi karto. Guuldarada soo gaadhay Chelsea waxay guul wayn u ahayd Tottenham oo soo taageeraysay Man United.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Manchester United (4–3-3): David de Gea; Antonio Valencia, Eric Bailly, Marcos Rojo, Matteo Darmian; Marouane Fellaini, Ander Herrera, Paul Pogba; Jesse Lingard, Marcus Rashford, Ashley Young.

KAYDKA: Sergio Romero, Daley Blind, Timothy Fosu-Mensah, Luke Shaw, Michael Carrick, Henrikh Mkhitaryan, Zlatan Ibrahimovic.

Chelsea (3-4-3): Asmir Begovic; Cesar Azpilicueta, David Luiz, Gary Cahill; Victor Moses, N’Golo Kante, Nemanja Matic, Marcos Alonso( Kurt Zouma); Pedro, Diego Costa, Eden Hazard.

KAYDKA: Eduardo, John Terry, Ruben Loftus-Cheek, Cesc Fabregas, Willian, Michy Batshuayi.

Antonio Conte ayay dhibaatooyin dhawaac kooxdiisa soo gaadheen ka hor kulankan iyada oo goolhaye Courtios aanu la soo safrin ciyaartoyda Chelsea balse Marcos Alonso oo markii hore ku soo baxay shaxda Chelsea ayuu dhaawac ku soo gaadhay iskululayntii Old Traffrod ee kulankan ka horaysay waxaana lagu soo badalay Kurt Zouma.

Chelsea ayaa kulankan iskeentay iyada 18 dhibcood ka saraysay Manchester United balse afar dhibcood oo kale hogaanka kaga haysay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Tottenham, sidaa daraadeed Conte iyo kooxdiisa Blues ayaa doonayay in ay soo ceshadaan hogaankii 7 dhibcood ay Spurs kaga hayeen.

Dhinaca Manchester United waxay doonaysay in ay u sii dagaalanto kaalmaha sare ee Champions Leaque-ga loogu soo baxayo iyada oo maanka ku haysay muhiimada uu kooxdeeda kulankan u lahaa. Dhinaca kale Mourinho ayaa doonayay in uu ka aarsado kooxdiisii hore ee Chelsea oo xili ciyaareedkan laba guuldaro ku soo baday Stamford Bridge.

DAQIIQADII 7 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Manchester United ayaa ciyarta ku bilaabtay qaab ciyaareed aad u fiican waxaana markiiba goolka furitaanka u dhaliyay  Marcus Rashford kaas oo gool caawin ka helay Ander Herrera oo kubbada si fiican u dhaafiyay David Luiz, wuxuuna goolkani ahaa gool kooxda Mourinho siiyay kalsooni ay xili horeba ku jawahdo Chelsea wuxuuna Rashford si fiican u garaacay goolhaye Begovic oo badalay Courtios oo dhawac kulankan ku seegay waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Red Devils hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Waxa uu ahaa goolkii ugu deg dega badnaa ee ay Manchester United xili ciyaareedkan ka dhalisay horyaalka Premier Leaque-ga. Inkasta oo jamaahiirta Man United ay shaxda Mourinho saluug ka muujiyeen isla markaana ay ka waayeen xidigo ay filayeen in ay kulankan ka soo muuqanayaan ayay haddaba Man United qaybtii hore ee kulankan soo bandhigtay qaab ciyaareed ay Chelsea dhibaato ugu abuurtay.

Chelsea ayaa bilawday in ay ka dagaalanto goolka looga hormaray balse qaab dhismeedka weerar ee kooxda Antonio Conte ayaan waxtar u lahayn sidii looga bartay iyada oo la dareemayay saamayntii fiicnayd ee uu Marcos Alonson ku lahaa dhismaha weerarka Blues. Daqiiqadii 13 aad Costa iyo Rojo ayaa isku dhacay iyada oo xamaasada ciyaartu noqotay mid sii xumaatay.

Manchester United ayaa u muuqatay mid aad uga fiicnayd kulamadii ugu danbeeyay ee ay Old Traffrod barbaraha kula soo gashay kooxaha West Brom iyo Everton wuxuuna Mourinho ku faraxsanaa in kooxdiisu iyada oo hogaanka haysa ay markale raadinaysay goolka labaad.

Laakiin Diego Costa oo ay Chelsea ka sugaysay in uu jawaab ka bixiyo goolka Rashfrod ayaa ku mashquulay isku dhacay ka dhexeeyay difaaca Man United. Wuxuuna Costa daqiiqadii 33 aad noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee kaadhka digniinta ah loo taagay.

DAQIIQADII 42 AAD Rashford ayaa markale dhibaato wayn ku sababay Chelsea kadib markii uu awooday in uu Moses ka adkaado laakiin kubbad uu darbeeyay ayuu Gary Cahill awooday in uu kooxdiisa ka badbaadiyo goolka labaad ee ay Man United kalsoonida wayn ku sii heli lahayd.

Antonio Conte ayaan ku faraxsanayn qaabka ay kooxdiisu ku jirtay iyada oo Chelsea ay doonaysay in ka hor waqtiga nasashada ay hesho goolka barbaraha basle iyada ayaaba marar badan halis loo galinayay in laga dhaliyo goolka labaad, balse waxaa qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1:0 ay Man United hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta labada tababare ayaa garoonka kula soo laabtay isla shixihii ay ciyaarta ku soo galeen manuu jirin wax isbadal ah oo sameeyeen waqtigii nashada. Man United ayaa soo laabtay iyada oo markiiba doonaysay in ay raadiso goolka labaad balse ujeedada Chelsea ayaa ahayd in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

DAQIIQADII 49 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!! Ander Herrera ayaa ka soo baxay wacadkii uu ku maray in uu dib u sixi doono qaladkii uu kaadhka cas ku qaatay kulankii FA Cupka wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay goolka labaad kadib markii uu Ashley Young nolol ku sii hayay kubbad laaga xorta ahayd oo uu Rashfrod soo tuuray wuxuuna difaaca Chelsea iyo goolhaye Begovic awoodiyeen in ay halista iska badbaadiyaan taas oo keentay in bilawgii qaybta labaad ay markale Man United heshay goolkeeda labaad waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Red Devils hogaanka ku dheeraysatay.

Waa markii ugu horaysay ee ay Manchester United laba gool ama wax ka badan ay Chelsea ka dhalisay tan iyo sanadkii 2012 laakiin Herrera oo kulankan qaab ciyareed fiican soo bandhigay ayaa lahaa caawintii goolka furitaanka wuxuuna dhaliyay goolka labaad taas oo uu ku muujiyay balan uu u qaaday jamaahiirta kooxdiisa Red Devils.

DAQIIQADII 51 AAD Man United ayaaba ku dhawaatay in ay ciyaarta disho kadib markii uu David Luiz oo aan kulankan qaab ciyaareed fiican ku jirin uu kubbada si sahlan ku lumiyay waxaana markiiba weerar deg deg ah goolka Chelsea ku qaaday Rashford iyo Lingard laakin xidiga danbe ayaa bartilmaameedkiisa seegay.

DAQIIQADII 54 AAD Conte ayaa u adkaysan kari waayay dhibta kooxdiisa haysatay wuxuuna ciyaarta ka saaray Victor Moses isaga oo kaydka uga yeedhay Francesc Fàbregas si uu kooxdiisa ugu soo kordhiyo hal abuur isla markaana uu fursado u abuuri karo.

DAQIIQADII 60 AAD ayuu Mourinho isna ka jawaabay isbadalka uu Conte sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Jesse Lingard isaga oo markiisa kursiga kaydka uga yeedhay Michael Carrick wuxuuna Mourinho doonayay in Carrick uu ku yareeyo saamaynta uu Fabregas khadka dhexe ku yeelan karo.

Chelsea ayaa markan bilawday in ay hurdada ka kacdo oo ay raadiso qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd laakiin Pedro ayaa daqiiqadii 64 aad kooxdiisa ka qasaariyay fursad fiican oo uu Hazard u abuuray wuxuuna isku dayay in uu darbo ku toogto goolka United halkii uu saaxiibadiisa kale kubbada uga caawin lahaa waxaana banaanka iskaga saaray difaaca United.

Markale Antonio Conte ayaa sii waday in uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo wuxuuna daqiiqadii 66 aad ciyaarta ka saaray Nemanja Matić wuxuuna kaydka uga yeedhay Willian Borges shaxda Blues ayaa markan isku badashay 4-2-3-1 wuxuuna Conte ka soo guuray shaxda 3-4-3.

Waxay markan noqotay Chelsea oo awoodeedii weerarka iskugu gaysay iyada oo Hazard, Costa, Pedro iyo Willian ay si wayn uga shaqaynayeen in ay Blues ciyaarta ku soo celiyaan balse Man United ayaa markan bilawday in ay si adag u difaacato natiijada ciyaarta.

Inkasta oo ay Chelsea waqti badan oo qaybtii danbe ahayd isla markaana badalka uu Conte sameeyay uu wax wayn kooxdiisa ka badalay ayay haddaba Blues dhibaato ku ahayd sidii ay ku dhaafi lahayd Man United oo si buuxda difaac u gashay isaga oo Mourinho sameeyay wixii uu dhawaan Chelsea ku durayay oo ah in dhamaan ciyaartoydoodu difaac galaan. Man United ayaa marka ay kubbada hesho markiiba u tuuraysay Rashford.

DAQIIQADII 83 AAD Mourinho ayaa ciyaarta ka saaray da’yarka Marcus Rashford oo midka mid ah qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa kulankan kala soo muuqday wuxuuna kaydka uga yeedhay Zlatan Ibrahimović halka Conte uu badalkiisa ugu danbeeyay ku saaray Kurt Zouma wuxuuna kaydka uga yeedhay da’yarka Ruben Loftus-Cheek.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaaday 2:0 ay Man United ku garaacday Chelsea isla markaana ay kaga baxday guul  la’aantii waqtiga dheer ka soo haysatay Blues. Chelsea ayaa iska lumisay saddex dhibcood oo ka mid ah 7 dhibcood ee ay Tottenham iskaga ilaalinaysay balse markan 4 dhibcood oo kaliya ayaa u dhexeeya Blues iyo Spurs taas oo sabab u noqonaysa in uu dib u furmay tartankii koobka Premier leaque-gu.