Codbixin taariikhi ah oo ka socoto Turkiga

0
351

Codbixin ayaa ka socoto dalka Turkiga oo loogu codeynayo afti tariikhi ah oo laga yaabo inay awooda badan gacanta u geliso madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Mr Erdogan waxa uu doonyaa in hanaanka dalkaasi lagu maamulo ee baarlamaaniga loo beddalo mid madaxtinnimo si la mid ah dalalka Mareykanka iyo Faranisiiska.

Taageerayaasha Erdogan waxay ku doodayaan in isbedalkaasi uu ka dhigi doono dalka mid horumar ku tallaabsado, halka kuwa ka soo horjeeda ay ku doodayaan in dalka ay u horseedi doonto inuu galo nidaam kaligii-talis ah.

 

Turkish President Recep Tayyip Erdogan delivers a speech in Istanbul during the final day of rallies on the eve of the constitutional referendum, 15 April 2017Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in dastuurka cusub oo xasilooni u horseedi doono dalkiisa

Haddii aftidan ”Haa” loogu codeeyo waxay sidoo kale ka dhigantahay in madaxweyne Erdogan uu xilka sii hayn kara ilaa iyo 2029.

Qiyaastii 55 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codkooda ka dhiibtaan ilaa iyo 167,000 oo goobaha codbixinta ah.

Saadaashu waxay tilmaameeysaa inay natiijda codbixintu noqon karto mid aad isugu dhaw, waxaana la filayaa natiijada rasmiga ah inay caawa soo baxdo.

People cheer and flash a four finger sign called 'the rabia sign' as the Turkish president delivers a speech in Istanbul, on April 15, 2017, during a rally on the eve of the constitutional referendumLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionAftidan ayaa kala qeybisay dalka Turkiga
Grey line

Aftidan ayaa u dhexeysa xisbiga Madaxweyne Erdogan oo horkacaya isbedelada cusub ee dastuuriga ah, kuwaas oo shacabka uga raadinaya ogolaansho halka xisbiyo badan oo mucaarad ahina ay aad uga soo horjeedaan.

Waa go’aankii ugu saamaynta badnaa ee shacabkaas la weydiiyo tan iyo wixii ka dambeeyey aasaaskii Jamhuuriyadda Turkiga, 84 sano ka hor.