Wasiirka Difaaca oo u Hambalyeeye Ciidanka Xooga Dalka

0
385
?????????????

 

C/rashiid  C/laahi Maxamed oo ah Wasiirka cusub Wasaarada Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Ayaa  Hambalyo u diray Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya oo maanta u tabaal dagaya sanad Guuradii 57 Aad  ee ka soo Wareegaday Markii la aas aasay 12 April 1960kii.

Wasiirka ayaa Tibaaxay in oo ugu Hambaliyeeyey Maalinta Qiimaha weyn leh ee 12 ka april Ciidanka Militirika Xooga Dalka Soomaaliyeed Meel- kasta ay  Joogaan.

Waxoona Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya  Ciidanka  ugu baaqay  in ay ka qeyb qaadaan Dagaalka Dowladdu ay kula jirto AL-SHAbaab iyo Shacabka Dhibka saran.

HALKAAN KADHAGEESO WASIIRKA

 

W/Q ; Cabdi qani  Cumar Xasan