MR Kheyre oo u Hambalyeeye Ciidanka Xooka Dalka

0
381

Ra,iisul Wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa ugu  Hambalyeeyey Munaasabadda Sanad Guuradii  57 AAD  ee Maalintii La aas aasay Ciidanka  Militirika Xooga Dalka Soomaaliy  12ka April ee sanadkii  1960 Kii

Ra,iisul wasaaraha ayaa tibaaxay in ay yihiin Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Dhidibada uu gu taagan yahay Qaranka Soomaaliya ,isla markaana ay Taariikh weyn ku lee yihiin .

;Waxaana Halkaan Hambalyo ballaaran ugu dirayaa Saraakiisha ,Saraakiil –ku xigeenka  Dableyda iyo Qoosaska Ciidanka Xooga Dalka ,Waxaa uku Hambalyeenayaa Munaasabada sanad Guuradii 57 ee kasoo wareegaday  markii la aas aasay Ciidanka Xoogga Dalka ,Waxaana Ciidan keena  geysiyaasha  urajeenayaa horumar iyo in ay ku guuleystaan Howlaha iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday ,ayoo yiri Ra,iisul Wassaruhu .

Waxoona in taa raaciyey Ra,iisul wassaruhu ,DHismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya in  ay leedahay Muhiimad Gaar ah ,runtii,dal aan Ciidan Xooggan laheyn ma dhismi karo mana  horumari karo ,Waxoona yiri Ciidanka Militirika  Xooga dalka Soomaaliya waa astaan qaran iyo tiirarka adag ee uu  ku daagan yahay  Dalkennu .

RA,iisul wasaare KHeyre ayaa ugu dambeen ugu baaqay Ciidnka Xooga Dalka Soomaaliyeed   in ay laba Jibaaraan  dadaaladda lagu xaqiijinyo  Amaanka  Dalka

W/Q;Cabdi qani Cumar Xasan