Labo Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay degmada Qoryooley

0
288

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in labo sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab lagu qabtay tuulo hoos tagta degmadaas.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Qoryooley Labo xidigle Cali Maxamed Aadan ayaa sheegay in howl gal ay ka sameeyeen tuulooyin ku dhow dhow degmada ku soo qabteen afar ka mid ah Al-Shabaab

Waxaa uu sheegay in labo ka mid ah ay ahaayeen saraakiil, isla markaana mid ka mid ah uu u qaabilsanaa dhinaca abaabulka.

Taliyaha ayaa sheegay in sidoo kale gacanta ku dhigeen hub iyo saanad u duugnaa, waxaana uu xusay in qabashada raggan ay gacan ku siiyeen dadka deegaanka.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in afarta ruux ay u gudbinayaan Maxkamadda ciidamada, si ay cadaalada loo horkeeno.