DHAGEYSO: Culimadda Soomaaliyeed Oo Ka Digay Ururka La Magac Baxay ”Al-Saadicuun Bil-Xaq”

0
351

Qaar ka mid ah culimada ugu magaca weyn Soomaalida ayaa ka digay waxa ay ku tilmaameen khatar kasoo socota koox diimeed dhowaan looga dhowaaqay waddamo islaam ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Kooxdan oo la magacbaxdya Al-Saadicuun Bil-Xaq ayaa culimadu sheegeen inay yihiin kuwo xag jir ah loona baahan yahay in laga hortago.

Shir jaraa’id oo maanta Culimadda ay isugu Siwada jir ah ugu qabteen magaaladda muqdisho ayey arintan kaga war bixiyeen.

sheakh Cali Maxamuud Sheakh Cali Wajiid oo kamida culimadda soomaaliyeed ayaa ka hadlay arintan waxaana uu shegy in dadka kujira ututkan ay yihiin kuwo layaqaan balse loo bahan yahay in wadahadal la isugu yimaado oo la isku sheego waxa ay yihiin ilamarkaana la ogaado mab’da’a kooxdan.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO KHUDBADDA SHEAKH CALI WAJIID.

Sheakh Bashiir Axmed Salaaad gudoomiyaha Hey’adda Culimadda soomaaliyeed ayaa shegay in Ururkan uu khatar kuyahay umadda soomaliyeed loona bahan yahay in meeel looga soo wada horjeesto.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO KHUDBADDA SHEKH BASHIIR AXMED SALAAD.

Sheakh Yuusuf Cali Ceynte Gudoomiyaha Majmaca Culimadda Ayaa ururkan ku Tilmaamay Mid Kabaxay Diinta Islaamka.

waxaa uu ururkan ku sheegay in uu yahay mid loogu tala galay in lagu gaaleysiiyo umadda soomaaliyeed loona bahan yahay in wax laga qabto oo laga hortago in dalka uu ku baaho.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO KHUDBADDA SHEAKH YUUSUF CALI CEYNTE.

 

GARGAAR.NET

W/Q: Zakariye Maxamuud Cali Qaran.