Muqdisho: Ciidamo Cusub Oo Kamidda Kumandoska Soomaaliya Oo Maanta Tababar Loo Soo Xiray.+Sawirro.

0
388

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rasghiid C/laahi  Maxamed ayaa manta Muqdisho Tababarugu soo xiray Ciidamo Ka Tirsan kuwa Kumaandooska ah oo bilihii Dambe Tababar ugu socdey Muqdisho .

Munaasabadda oo ciidamadan tababarka loogu soo xiraye waxaa ka qeybgalay wasiiro, Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Iyo xubno kale.

Qaar ka mid ah ciidamada tababarka ka galay kaalmaha hore ayaa la guddoonsiiyay abaal marino kala duwan, waxayna u badnaayeen dhalinyaro la soo xulay oo aan balwad laheyn.

Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed oo munaasabada ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka Carabta tababarka ay siiyeen Ciidamadan u tababaran sida kumaandooska ah.

Waxaa uu sheegay Wasiirku in ay ciidankan yihiin kuwa u diyaarsan in dalka ka xoreeyaan cadowga , waxa uuna ku booriyay ciidankan cusub in ay noqdaan wadaniyiin u istaaga difaaca dalkooda ,diintooda iyo dadkooda.

Imaaraadka Carabta ayaa leh ciidamo gaar ah oo Soomaali ay tababareen, waxaana ay yihiin ciidamo ilaaliya Xarumaha ay ku leeyihiin Muqdisho, sida Safaaraddooda ku taal degmada C/casiis iyo Isbitaalka ku yaala dhinaca degmada Shingaani.