Madaxweyne Farmaajo Oo Xalay Ka Degtay Magaaladda Dibai.

0
340

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isugu tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay Abu Dhabi ayaa kulamo kala duwan la leh Madaxda dalkaasi.

Waxaa uu xalay wadahadal la yeeshay Madaxda dalkaasi oo uu ugu horeeyo Sheik Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo ah boqorka dalkaasi

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Saldhiga Milatari ka furanaysa Magaalada Berbera ee Somaliland , waxaana Saldhigaasi kasoo horjeestay Qaar ka mid ah Madaxda Soomaalida.

Sidoo kale Mooshin ka dhan ah dowladda Imaaraadka Carabta Saldhigeeda Berbera ayaa horyaalla xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa sidoo kale waxaa ay doonaysaa in ay la wareegto Dekedda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.