Dowladda Turkiga Oo Si Kulul U Cambareysay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho.

0
363

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si aad uga naxday Qaraxii Shalay ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaanshaandhiga Soomaaliya ,islamarkaana lala eegtay Kolonyo uu la socday taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibada ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in ay garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed , islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagu jiro Al-Shabaab.

“Qaraxii Shalay lala eegtay kolonyo uu la socday taliyaha Ciidamada waxaa uu ahaa mid lagu laayay dad Shacab ah oo aan waxba galabsan , waxaana diyaar u nahay inaan kaalmeyno Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Turkiga.

inta laxaqiijiyey ilaa 15 ruux oo u badan shacab ayaa ku geeriyootay qaraxan oo lo adegsday gaari walxaha qarxa lag soo buuxiyey islamarkaana ka dhacay meel aan sida uga fogen wasaaradda gashan dhigga.