Warbixin: Xarigga Sharci Darada Ah Ee Wariye Coldon W/Q:Zaki Qaran.

0
454

Wariye Coldoon ayaa bartamihii bishii Febraayo lagu xiray Hargaysa, in yar ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho.

Qoyska Coldoon ayaa waxaa ay sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka maxkamadda.

Mubaarak Muuse Coldoon waa nin ay walaalo yihiin Cabdimaalik Muuse Coldoon, Wuxuuna aragtidooda ku saabsan xukunkaas.

waxaana uu sheegay in marnaba uusan fileyn in walaalkii lagu xakumayo mudon labo sano oo xarig ah halka uu filaye bil ama labo bilood oo xarig ah in lagu rido.

mubaarak ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka sharci daradda ah ee shalay lagu riday samafale Cabdi maalik Coldoon.

shalay ayey maxkamad kutaal magaaladda hargeysa ku xukuntay labo sano oo xarig ah kadib marki garoonka Hargeysa lagu qabtay xilli uu kasoo noqday Magaaladda Muqdisho oo uu uyimi si uu ugu hampalyeyo madaxweynaha la doortay ee soomaaliya Maxamed Cabullahi Farmaajo.

Cabdimalik ayaa caan ku ahaa u gargaarida dadka masaakiinta iyo kuwa dulman oo uu soo bandhihi jiray daruujahooda nololeed.

Dadka yaqaana ayaa ku sifeeyey inuu yahay saxafi cod u ah kuwa aanan codka laheyn.

Xeer ilaalinta oo eedda soo oogtay iyo garyaqaannada u doodaya ayaa sheegay inay rafcaan ka qaadanayaan xukunka maxkamaddu ridday.

maamulka Soomaaliland ayaa intabadan sameeya talaaboyin nucan oo kale ah oo ay ku doonayaan in ay ku caburiyaan saxaafadda xurta ah ee soomaaliyeed gaar ahaan saxafiyiinta ka howlgala deegaanadda maamulkaasi.

sidookale soomaaliland ayaa rumeysan in wariyihii ama fanaankii tagaa muqdisho oo ah caasimadda soomaaliya in uu baal maray qodob dastuuri ah.

ururadda u dooda xuquuqda saxafiyiinta ayaa muujiyey in ay ka xun yihiin xariga wariye coldoon oo ahaa saxafi ugargaara masaakiinta codkoodu uusan meel gaarin.

waxaana ay maamulka Soomaaaliland ugu baaqeen in si shuruud la’aan ah ay kusii daayaan Samafale Coldoon.

W/Q: Zakariye Maxamuud Cali Qaran.

       Gmail:Qaran225@gmail.com