Xawaadleey: Dadaalo Nabadeed Oo Socda.

0
333

Waxaa degen xaaladda deegaanka xawaaadleey oo hoostaga degmeda Balcad Ee Gobolka Sh/Dhexe oo dhawaan ay kuwada dirireen labo maleeshiyo beeleed oo walalo ah.

Waxaa soconaya dadaalo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka odayaasha dhaqanka culimadda iyo qeebaha bulshadda ku dhaqan deegaanka xawaadleey taasi oo lagu doonayo in lgu soo afjaro dirirta Curdunka ah ee dhawaan halkaa ka soo cusboonaatay.

Dhawaan waxaa deganka xawaadleey ka bilowday dagaal qaraar oo gilaaftay nolosha dad iyo duunyo intaba.

Tulooyin dhowr ah ayaa halkaa lagu gubay iyada oo mindi la mariyey Ari Dhowr ah oo ay lahaayeen midkamid ah beelaha dagaalamaya.

Dagaaladda ayaa salka ku haya Dhul labada dhinac ay kala sheeganayaan.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa ku baxay oo wada dadaaladii ugu dambeeyey oo ay ku doonayaan in dagaalka ay ku joojiyaan.

W/Q: Zakariye Maxamuud Cali Qaran.