Hishiiska Degadda Boosaaso oo maanta la saxiisayo

0
379

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa inuu qalinka  kuduugo Heshiiska Dekeda Boosaaso oo lagu wareejinayo Shirkadda DP World.

 

 

Heshiiskan ayaa ah midkii labaad oo shirkadda DP kula wareegto Dekedaha ku yaalla Soomaaliya, iyadoo dhamaadkii sanadkii hore sidan oo kale heshiis lagu wareejinayay Dekeda Berbera la saxiixatay Maamulka Somaliland.

 

Madaxweynaha  oo maalin ka hor ka ambabaxay magaalada Garowe ayaa sheegay inuu Imaaraadka u tagayo dhameystirka heshiiska Dekeda Boosaaso, isagoo caddeeyay heshiis kasta oo maslaxad u ah dadka iyo dalka ay galayaan.

 

 

Imaaraadka Carabta ayaa fara gelin toos ah ku haya Soomaaliya, isagoo maamul goboleedyada dalka ula macaamilaya sidii dowlado madax banaan oo kale, waxaana dad badan oo falanqeeya siyaasada ayaa sheegaya in qorshaha Imaaraadka uu wado ay tahay mid uu ku kala qeybinayo dadka Soomaaliyeed, lidka ku ah midnimada Soomaaliya.

 

W/Q;Cabdi qan Cumar Xasan