Weerar duqeyn ah oo loo adeegsaday Kiimiko oo lagu qaaday magaalo ku taal Suuriya

0
300

 

 

 

 

 

 

Weerar duqeyn ah oo loo adeegsaday Kiimiko ayaa lagu qaaday magaalada Idlib ee waqooyi galbeed ee dalka Suuriya, halkaasoo ay maamulaan Jabhadaha ka soo horjeeda dowladda.

 

Ugu yaraan 58 ruux ayaa ku dhintay weerarkan, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana khasaaraha ka dhashay weerarkan uu yahay kii ugu waxyeelada badnaa.

Kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay degmada Khan Sheikhoun, waxaana geystay diyaaradaha dagaalka Ruushka ama Suuriya.

Dadka ugu badan ee waxyeelada ay ka soo gaartay duqeyntan ayaa u badnaa carruur, kuwaasoo ku neef qabatoobay kiimikada.

Sawirro laga soo qaaday goobaha la duqeeyay ayaa la arkayay dad badan oo loo xiray oksijiin, si looga hortago dhibaatada ay geysatay sunta kiimikada ah.

Dowladda Suuriya ayaa marar badan dafirtay inay isticmaasho hub kiimiko ka sameysan oo ay ku duqeyso goobaha ay maamulaan mucaaradka

W/Q;Cabdi Qani Cumar Xasan