Midowga Yurub oo lacag ugu Yaboohay dowladda Soomaaliya April 5, 2017

0
319

 

 

 

 

 

 

Ururka Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya ugu yaboohay 50 Milyan oo Bond oo lagu tala galay in wax looga qabto Barakacayaasha iyo sidoo kale Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo noqonaya dalka Kenya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa sheegay in Midowga Yurub Lacagtaan ay ugu tala galeen Barakacayaasha Soomaaliyeed in loo maamuli doono si wanaagsan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed hadda ay haysato dhibaatooyin kala duwan , islamarkaana dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo celiso Qaxootiga Somaaliyeed ee ku sugan dalalka Yemen iyo Kenya.

Midowga Yurub ayaa taageera dowladda Soomaaliya , waxaana Midowga Yurub ay  hadda doonayaan in Sare loo qaado Nolasha Barakacayaasha Soomaaliyeed

 

W/Q ;Cabdi qani Cumar Xasan