Al-Shabaab oo weeraray saldhigga ciidanka AMISOM ee Jalalaqsi, Hiiraan Al-Shabaab oo weeraray saldhigga ciidanka AMISOM ee Jalalaqsi, Hiiraan

0
321

 

 

 

 

 

 

Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadey saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan AMISOM ee ka socdey dalka Jabuuti.

ar ka soo baxay AMISOM ayaa lagu xaqiijiyey weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ku yaley degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo qiyaastii dhanka Koonfureed uga beegan Beledweyne masaafo dhan 140km.

AMISOM ayaa sheegtey in ciidankoodu degdeg uga jawaabeen weerarka, waxaana ay gaarsiiyeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah malayshiyaadka al-Shabaab, dhankooda kama hadlin khasaaraha soo gaarey.

Idaacadda ku hadasha afka al-Shabaab ee Andulus ayaa sheegtey in ay weerarku qaadeen ilaa saddex saldhig oo ku yaala Galbeedka jalalaqsi, ma sheegan in ay qabssadeen saldhigga waxayse sheegteen in ay khasaaro gaarsiiyeen.