Faah-faahin Dheeraad oo Kasoo baxayo Qaraxii ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Amniga

0
340

 

 

 

 

 

 

Ugu yaraan 7 Qof oo Shacab ah ayaa ku dhimatay Weerarkii Isqarxinta ahaa ee Maanta lagu qaaday Maqaayadda u dhow Wasaaradda Amniga Ee Magaalada Muqdisho.waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

Afhayeenka Maamulka Gobolka banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa Warbaahinta u sheegay in Gaariga la soo dhigay Irida Maqaayadda,waxaana uu xusay inuu ahaa Saarif.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa loo qaaday Goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Maalmihii dambe waxaa ku soo badanayay Magaalada Muqdisho Weerarada isugu jira Qaraxyada iyo midka Toos ka ah.

 

 W/Q; Cabdi qani Cumar Xasan