Blues Oo lumin doonto caawiyaha kooxdooda.

0
264

 

 

 

 

 

 

 

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa doonaya inuu xilli ciyaareeda dambe shaqaalahiisa tababarka kusoo daro halyeeygii hore qaranka Italy si uu badal ugu noqdo Steve Holland oo la filayo inuu dhamaadka xilli ciyaareedkaa isaga tago Stamford Bridge sida uu ka dhawaajiyay xidigii hore Blues Ray Wilkins kaas oo sidoo kale dhawr jeer kasoo shaqeeyay kooxda.

Blues waxey lumin doontaa caawiyaha kooxdooda madama uu shaqo ka helay xulka qaranka England wuxuuna ka hoos shaqeyn doonaa Gareth Southgate.

Pirlo oo wali u ciyaaraya New York City sidoo kalan 37-jir ah ayaa lagu sawiray xerada tababarka Cobham bishii December.

Sidoo kalana wuxuu sawiro la galay John Terry, Cesc Fabregas iyo goolhaye Asmir Begovic, maalmahiisii booqashada ee England.

 

W/Q;Cabdi qani Cumar Xasan