Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta oo qeybinayo Mooshin ka dhan ah Saldhigga Milatari Ee Berbera

0
358

 

 

 

 

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta loo qeybin doonaa Mooshin ka dhan ah Saldhigga Imaaraadka Carabta uu ka dhisanayo Magaalada Berbera,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu sheegay in Maanta oo Arbaco Baarlamaanka Mooshinkaasi loo qeybin doono.

Heshiiska Imaaraadka Carabta uu Dekedda Berbera uga dhisanayo Saldhigga Milatari ayaa keenay hadal heynta ugu badan,iyadoo inta badan Dadka Soomaaliyeed ay ka soo horjeesteen.

Baarlamaanka Somaliland ayaa Heshiiskaas Ansixiyay,iyadoo qaar ka mida Baarlamaanka Maamulaasi ay diideen.

 

W/Q;Cabdi qani cumar xasan