Dagaal Culus Oo Ka Qarxay Degmada Balcad Iyo Tuulooyin La Gubay.

0
383

Wararka Jowhar-Wararka Naga soo gaaraya Gobalka sh/dhaxe ayaa sheegaya in Dagaal Culus uu ka dhacay deegaan Hoostaga Degmada Balcad ee Gobalka sh.dhaxe.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhaxmaray Dad xoola dhaqata ah iyo sidoo kale dad beeralay ah

Deegaanka uu dagaalka ka Qaraxay waxaa lagu magacaabaa Jameeca-Misra waxaana dagaalka ku dhintay 1 Qof 4 kale ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen.

Waxaana hadda socda dadaalo lagu joojinayo dagaalkaas oo u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed oo wada dega Tuulada Jameeca-Misra oo hoos tagta Degmada Balcad.

W/Q: Bashiir Cali Daahir Cana boore.