Neymar Oo Xalay Dhaliyay Goolkiisii 100-aad Ee Barca, Rikoorka Uu Ku Garaacay Messi & Liiska Xidigaha 100-Gool U Dhaliyay Barcelona

0
304

Neymar Junior ayaa xalay helay goolkiisii 100-aad ee kooxda Barcelona markii uu dhaliyay goolka ugu dambeeya ciyaarti ay kooxdisia 1-4 ku garaacday Granada inkstoo uu ahaa xiddiga ugu muuqday ciyaarta.

Neymar wuxuu horay u qaaday talaabo hor leh wuxuuna muujiyay xalay sida uu kooxda u samatabixin karo marka ay weyso hogaamiyahooda uu sareeya Lionel Messi, si kastaba Balaugrana haatan waxey 2-dhibcood ka hooseysaa Real Madrid oo kulan baaqi ah heysata.

Neymar waa ciyaariyahankii 10-aad ee kulamada ugu yar goolal ugu dhaliya Barcelona madama ay ku qaadatay inuu 100-gool u dhaliyo 178-kulan, ciyaariyahanka soo maray Barcelona midka ay kulamada ugu yar ku qaadatay waa Kubala oo 103-kulan ku dhaliyay 100-gool, Luis Suarez ayaa ah kan 3-aad madama ay ku qaadatay 120-kulan, halka Eto’o uu soo galay booska 6-aad madama uu ku dhaliyay 154.

25-jirkaan heerka caalami wuxuu rikoorka kulamada lagu dhaliyay 100-gool ku garaacay Lionel Messi isagoo ka yar 11-kulan, Leo waxey ku qaadatay 188-kulan.

CIYAARTOYDA 100-GOOL U DHALIYAY BARCA:

Kubala: 100 goals in 103 kulan

Martín Alonso: 114 kulan

Luis Suárez: 120 kulan

Evaristo: 143 kulan

Eulogio Martínez: 152 kulan

Eto’o: 154 kulan

Stoichkov: 155 kulan

César Rodríguez: 161 kulan

Rivaldo: 172 kulan

Neymar: 178 kulan

Messi: 188 kulan

Zaldúa: 196 kulan

Kluivert 202 kulan

Basora: 247 kulan

Luis Enrique: 256 kulan

Rexach: 450 kulan

Dhanka kale goolashiisa iyo tartamada uu ka dhaliyay.

LaLiga: 63 gool 117 kulan

Copa del Rey: 14 gool, 19 kulan

Supercopa de España: 1gool, 2 kulan

Champions League: 21 gool, 38 kulan.