Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka oo ka qeybgashay aaska Nuur Faarax(Sawiro)

0
424

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Shiikh Cismaan iyo ms’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qeybgalay salaadda Janaasada oo lagu tukaday Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dekedaha,  gaadiidka cirka iyo dhulka marxuum Nuur Faarax oo saakay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxda ka qeybgashay tukashada salaadda  janaasada ee marxuum Nuur Faarax waxaa ka mid ahaa  wasiirro iyo wafdigii Turkiga ka socday ee saaka soo gaaray Muqdisho, waxaana salaadda lagula dukaday masjidka madaxtooyada.

Allaha u naxariistee wasiir Nuur Faarax ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho waxayna madaxdii iyo dadkii ka qeybgalay aaskiisa ugu duceeyeen marxuumka inuu Alle Janadii Fardowso ka waraabiyo.