Kooxaha Napoli & Juventus Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Stadio San Paolo, Old Lady Oo LIX Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka Serie A Iyo Inkaarta Kooxda Allegri Ka Haysata Guriga Napoli Oo Halkeeda Ka Sii Socota.

0
312

Kooxaha Napoli iyo Juventus  ayaa barbaro 1:1 ah ku galay garoonka Stadio San Paolo waxaana goolka ku hormartay kooxda martida ahayd ee Juventus iyada oo  Sami Khedira uu bilawgii kulankan Napoli xaalada ku adkeeyay laakiin qaybtii danbe ayay Napoli wacdaro soo bandhigtay waxaana goolka barbaraha u keenay Marek Hamšík, basle qaabkii ay ciyaaray ayay kooxda martida loo ahaa ee Napoli ka cadhaysnayd in ayna guul ka gaadhin Juventus.

Kooxda Allegri ayaa lix dhibcood hogaanka horyaalka Talyaaniga kaga qabtay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee AS Roma halka Nopoli ay kaalinta labaad u soo jirsatay afar dhibcood. Inkaarta Juventus ka haysata garoonka Stadio San Paolo ayaa halkeeda ka sii socota iyada oo aan tan iyo 2006 kii wax guul ah ku soo gaadhin.

SHIXIHII LABADA KOXOOOD EE KULANKAN:

Napoli XI (4-3-3): Rafael; Hysaj, Albiol, Koulibaly, Strinic; Allan, Jorginho, Hamsik; Callejon, Mertens, Insigne.

Kaydka:Giaccherini, Maggio, Maksimovic, Zielinski, Chiriches, Sepe, Reina, Rog, Ghoulam, Pavoletti, Diawara, Milik.

Juventus XI (4-2-3-1): Buffon; Lichtsteiner, Bonucci, Chielini, Asamoah; Khedira, Marchisio; Lemina, Pjanic, Mandzukic, Higuain.

Kaydka:Benatia, Cuadrado, Sandro, Barzagli, Dybala, Alves, Rugani, Neto, Sturaro, Rincon, Audero, Mandragora.

Juventus ayaan Napoli siin waqti ay ku fikirto waxaana goolka furitaanka Old Lady daqiiqadii 7 aad u saxiixay Sami Khedira kadib markii u gool caawin ka helay Miralem Pjanić, wuxuuna goolkan neefta ku celiyay jamaahiirta Napoli ee doonayay in ay dhagaha kaga qayliyaan Juventus iyo xidiga ay colaada wayn u hayeen ee Higuian oo Naples dib ugu soo laabtay waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Juventus hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Labada kooxoodba waxay abuurayeen fursado ay goolal ku raadinayeen balse ciyaarta ayaa noqotay mid adag oo ayna sahlanayn in goolal la kala dhaliyaa. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay iyada oo Juventus ahayd kooxda hogaanka ciyaarta 1:0 ka ku haysay.

Markii layskugu soo laaabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Napoli ayaa dagaal wayn ugu jirtay sidii ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahayd waxayna ugu danbayn goolka barbaraha heshay iyada oo daqiiqadii 68 aad uu  Marek Hamšík dhaliyay goolka Juventus u diiday in ay hogaanka ciyaarta sii haysato waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

Napoli ayaa Juventus ku qasabtay in ay si adag u difaacato waxayna ugu danbayn ciayaartu ku dhamaatay babraro 1:1 ah oo ay labada kooxood dhibcaha ku qaybsadeen. Juventus ayaaa lix dhibcood oo saafi ah hogaanka kaga qaybtay AS Roma oo kaalinta labaad ku jirta