Dhaawacyada Ciyaartoyda, Taya Xumada Luke Shaw, Soo Laabashada Zlata & Herrera & Waxyaabahii Uu Jose Mourinho Ka Hadlay Ka Hor Kulanka Everton

0
298

Tababare Jose Mourinho ayaa dhaleeceeyay diirad iyo hami la’aanta Luke Shaw isagoo xaqiijiyay inuusan jeclaan laheyn inuu ka qeyb noqdo kulanka ay talaadada la ciyaareyso Red Devils kooxda Everton.

Daafaca bidix ee xulka qaranka England ayaa kaliya ciyaaray laba kulan tan iyo dhamaadkii November, iyadoo Jose Mourinho uu ka dhawaajiyay inuu wax badan uga baahan yahay si uu kulan ciyaareedyadiisa qeyb uga dhigo, inkastoo xitaa uusan adeegsan waqtigii dhaawacyada kooxda isagoo ka doorbiday Ashley Young, Matteo Darmian iyo Daley Blind.

Macalinka reer Portugal ayaa ka hadlay sida uusan ugu qancin bandhigga Luke Shaw ee xitaa tababarka, isagoo meesha ka saaray inuu ka qeyb gali karo kulanka Goodison Park.

 

“Wey u adag tahay inuu kursiga ku jiro sababtoo ah lama barbardhigi karo Ashley Young, Darmian iyo Blind” Ayuu yiri tababaraha isagoo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka Everton.

“Lama barbardhigi karo habka uu u tababarto, habka uu u joogteeyo, habka uu diirada u saaro iyo hamigiisa, lama barbardhii karo, wax badan ayuu ka dambeeyaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

Wariye ayaa ku adkeeyay Jose Mourinho kaas oo weydiiyay hadii uu uga tagayo xidigaan inuu yahay mid Ingiriis ah wuxuu ku jawaabay isagoo doonaya inuu meel ku xiro: “Joe Hart waa England wuxuuna amaah ku jiraa Italy”

 

Marka laga tago Shaw, sidoo kale wuxuu sheegay Everton xidigaha ka maqan kulanka Everton wuxuuna ku sheegay Smalling iyo Jones iney dhaawac ku seegi doonaan halka ay macquul tahay inuu Pogba soo laabto, meeshana kama marna inuu shaki galiyay in la arko xili ciayareedkaan mar kale.

“Waxey ila tahay waqti dheer, waxey ila tahay Juan Mata, Jones iyo Smalling iney maqnanayaan waqti dheer” ayuu yiri Jose, “Pogba ma dhihi karo wuxuu diyaar yahay talaadada sababtoo ah ma garanayo, balse Pogba dhaawaciisa uma dheera sida ciyaartoyda kale”

Dhanka kale Zlatan Ibrahimovic iyo Ander Herrera ayaa ganaaxyo kasoo laabanaya, inkastoo Mourinho uusan ku qancin soo laabashada xiddiga reer Sweden ineysan wadada horay ka toosin karin kadib barabrdhacii West Bromwich Albio.

“Ma garanayo, waxaan barbardhac galnay kulamo aan heysanay Zlatan, wuxuu lumiyay rioore kulan aan 2-1 ka dhigi karnay [Bournemouth], wuxuu lumiyay fursad sida dadka kale sameeyeen, sidaas darteed ma dhihi karo hadii aan heysan laheyn Mata iyo Zlatan sabtida waan guuleysan laheyn kulankaas, ma dhihi karo taas” ayuu Mourinho hadalkisia kusoo afjaray.