Daawo Taageerayaasha Arsenal Oo Ku Dhex Dagaalamay Emirates Stadium Intii Ay Socotay Kulankii Gunners & Man City

0
308

Waxaa la helay muuqaal ku saabsan taageerayaasha Arsenal oo ku dhex dagaalamaya garoonka Emirates intii ay socotay kulankii ay Gunners la ciyaarayeen Manchester City.

Dhacdadaan oo la sheegay inay dhacday waqtigii nasashada ayaa u muuqata mid u dhaxeysa seddex taageerayaal ah.

Waqtigaan la joogana lama oga waxa keenay dagaalka laakiin waqtii uu dagaalka dhacayay kooxda Arsene Wenger waxaa 2-1 ku hogaamineysay kooxda Pep Guardiola.

Dagaalka ayaase ahaa mid waqti kooban iyadoo taageerayaasha kale ee hareer taagnaa ay kala qabteen seddexda nin. Taageerayaasha kale ayaa la maqli karaa iyagoo u sheegaya seddexda nin inay isdejiyaan.

Ugu danbeyn ilaaliyaasha garoonka ayaa yimid kuwaasoo gacan ka geystay inay kala fogeeyaan raga dagaalamay ka hor inta aysan mid ka mid ah ka bixinin albaabkii ugu dhawaa.

Arsenal ayaa barbareysay ciyaarta ka dib gool uu dhaliyay Shkodran Mustafi waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay barbaro 2-2 ah.,Halkaan Laacibtv.net ka daawo muuqaalkaas