Home Ciyaaraha Ayuu Neymar Junior U Hadiyeeyay Goolkiisii 100-aad Ee Uu Xalay U Dhaliyay...

Ayuu Neymar Junior U Hadiyeeyay Goolkiisii 100-aad Ee Uu Xalay U Dhaliyay Barcelona?

0
260

Neymar ayaa tiigsaday rikoor fiican markii uu xalay dhaliyay goolkiisii 100-aad ee kooxda Barcelona, balse xidigaan reer Brazil wuxuu goolkaan u hadiyeeyay saaxiibadiisa kooxda Balaugrana.

25-jirkaan heerka caalaami ayey ku qaadatay inuu goolashaas ku dhaliyo 177-kulan xilli Balaugrana ay 1-4 ku xaaqday Granada iyadoo marti ah.

Neymar Junior ayaa soo gaaray Camp Nou 2013 isagoo kasoo hayaamay kooxda Santos ee dalka brazil, balse goolka 100-aad wuxuu ku dhaliyay lugtiisa bidix wuxuuna noqday xidigii sadexaad ee 100-gool u dhaliya kooxda gobolka Catalan Rivaldo iyo Evaristo ayaana kaga horeeyay.

“Waan ku faraxsanahay inaan gaaro 100-gool, waxaan u hadiyeynayaa saaxiibadeyda mar walba i caawiya” Ayuu yiri Neymar oo la hadlayay Barca TV.

“Waan ku faraxsanahay guusha taasi oo aheyd waxa ugu muhiimsan”

 

Si kastaba Neymar Junior ayaa dhaliyay 15-gool dhamaan tartamada oo dhan xagaagan, sidoo kalana Neymar wuxuu Brazil usoo saaray koobka Aduunka ee Russia ka dhici doona 2018.