Runta Ku Saabsan Cunista Ukunta

0
110

Haddii ay jirto cunto aad u wanaagsan, ukunta waxay noqoneysaa midda ugu sareysa. Markasta waa diyaar, way fududahay in la kariyo, way qiimo jaban tahay, waxaana ka buuxo nafaqooyiin kala duwan.

“Ukunta waxay tahay shay ka wanaagsan cunto kasta, waxayna kobcisaa unugyada jirka. Waxay si muuqata uga sameysan tahay nafaqo aad u badan,.

Inaan Cunno Ukunta Waxay Jirkeena Ka Caawineysaa Inaan Helno Fitamiino Fitamiino Kala.Duwan.

Hadaba Hadii Aad Xiiseyso Warbixinada Arimahan Laxeriira Like inoo Saar si aan UsooBadino una Ogaano Kaheltaankaaga Mahadsanid.

 

 

Cunista Ukunta Marka Laga Soo Tago in aan Fitamiino Kala Duwan Ka helno Waxaa Jira Walaac Xoogan oo ku Gidaaman Cunista Ukunya Taasi oo Qubarada Dhinaca Caafimaadka ay Arintan Ku Qasabtay inay Ka sameeyaan Doodo adag.

Hal cilmi baaris ayaa sheegtay in aad cunto hal xabo oo ukun ah ka badan maalintii in ay xiriir la yeelan karto cudurrada wadnaha.

Baarayaashaas waxay eegeen illaa 30 kun oo qof oo da’dooda ay tahay 17 sano, waxayna ogaadeen in wax ka badan hal ukun maalintii ay halis wadna xanuun ah keeneyso ayna sababi karto geeri.

“Waxaa kale oo aan ogaanay in hal ukun barkeed oo maalintii ah ay 6% boqolkiiba sababayso xanuun wadnaha ku dhaca iyo 8% boqolkiiba oo sare u kaca geeri ah”.

Inkastoo cilmi baaristaa ay ahayd midii ugu ballaarneyd ee xiriirisa ukunta iyo wadna xanuunka, haddana waxay ku koobneyd qiimeyn oo keli ah, mana aysan bixin cadeyn rasmi ah oo muujinaya saameynta iyo sababta.

Balse waxaa Jira Baaritaano kale oo arintan Ka Hor imaanaya kuwaasi oo Sheegaya in Cunista Ukunta ayba u wanaagsan tahay Caafimaadka Jitka Bini’aadamka gaar ahaan Wadnaha.

Muddo tobannaan sano ah, cunidda ukunta waxay noqotay mid muran dhalisa, taas oo ay ugu wacan tahay kolesteroolka badan ee ku jira – oo dhowr cilmi baaris ay la xiriiriyeen halista ah in ay sare u kacaan xanuunada ku dhaca wadnaha.

Hal xabo oo ukun ah waxaa ku jira qiyaas ahaan 185 miligaran oo kolestorool ah Sida ay Sheegeen Qubaradu.

 

A beef steak over a flame grill

 

A variety of fast foods including burgers, chicken wings, chips etc.

Sidoo kale, ukunta iyo qaar ka mid ah noolaha yaryar ee badda, waa cuntooyiinka keli ah ee kolestoroolka uu ku badan yahay, haddana aan lahayn dufin badan.

Doodda ku saabsan saameynta caafimaad ee ukunta ayaa qeyb ahaan dhan kale u wareegtay, sababtoo ah jirkeena wuxuu magdhow ka bixin karaa kolestoroolka aan cunno.

A fried eggCholesterol wuxuu saameyn leeyahay marka hawo kiimiko ah ay ku darsanto – balse midda ukunta ku jirta waxay ka hortagtaa in taas ay dhacdo.

Marka ukunta laga hadlayo, kolestoroolka waxaa suuragal ah in uu yareeyo halista caafimaad. Kolestoroolka wuxuu dhibaato badan yahay marka uu ku dhex milmo halbowlayaasha dhiigga, balse arrintaas oo kale ma sababo kolestoroolka ku jira ukunta, Taasi Badalkeeda Dadku waa in ay ka fikiraan oo kaliya Kolestarolka Kujira Dhiiga Kaasi oo ah Mid Sababa Wadna Xanuun Sida ay Sheegeen Qubarada dhinaca caafimaadka.

Falanqeyn hore oo lagu sameeyay illaa nus milyan qof oo Shiinaha deggan, sannadkii 2018-kii, waxaa lagu ogaaday in cunista ukunta ay yareyso cudurrada ku dhaca wadnaha.

Dadka ukunta cuna, waxay boqolkiiba 18% hoos uga dhegeysaa xanuunada wadnaha ee ku dhici lahaa, waxayna sidoo kale boqolkiiiba 28% yareyneysaa cudurka stroke-ga ee loo dhinto. Waxaa taas lagu ogaaday barbardhig lagu sameeyay kuwa aan ukunta cunin.

Ukunta Waxaa La sheegaa in ay ka hortagto cudurada Alzheimer-ka oo ah xanuun dhibaateeya xusuusta iyo shaqooyiinka kale ee maskaxda. Waxay sidoo kale difaacdaa kelida.

A poached egg on toast

 

Two poached eggs with runny yolksJaallaha ukunta waa meesha fiican ee laga helo lutein, taas oo lala xiriirinayo caafimaadka wanaagsan ee aragga.

“Waxaa jiro laba nooc oo lutein ah oo laga helo qeybta dambe ee bu’da ama barta madow ee isha, halkaas oo ay ka difaaci karto dhibaatada iftiinka. Waxay u shaqeyneysa sida kala shaadeeyaha ifteenka buluugga ah. Iftiinka badanna wuxuu saameeyaan aragga isha,” ayuu yiri Johnson.

Iyadoo weli ay baarayaasha cilmiga caafimaadka ay isku deyayaan in ay fahmaan sababta ay ukunta inoogu leedahay saameyn kala duwan, haddana baaritaannada faraha badan ee dhowaanahan, waxay ku talinayaan in aysan dhibaato u lahayn caafimaadkeena, ayna si aad ah ugu badan tahay in faa’idooyiin caafimaad aan ka helno.

Balse marka laga hadlayo Caafimaadka waxaa ay Qubaradu ku talinayaan in Markasta aysan Wanaagsanen Cunida Hal shey Oo Qura balse Ay muhim tahay in Cunada aad Cuneysaa Ay Noqotaa mid kala Duwan Taasi oo ah Talaabo aad u wanaagsan.