Guriga Jaceylka Taj Mahal Oo Qarka U Saaran In Uu Burburo

0
102

Guriga Jaceylka Taj Mahal Waxaa uu Kuyaalaa Magaaladda Agra ee Dalka India Waxaana La dhisay Qarnigii 17-Aad, waxaana dhisay boqortooyadii Suldaan Shah Jahan. Wuxuu ahaa xasuus uu ugu tala galay boqoraddii uu xaasaskiisa ugu jeclaa ee lagu magacaabi jiray Mumtaz Mahal, oo geeriyootay xilli ay foolaneysay cunugoodii 14aad.

Bartamaha Taj mahal gudihiisa ayuu ku yaallaa qabriga Mumtaz Mahal.

Boqortooyada ayaa dhismaha Taj Mahal u adeegsatay dhagaxa nooca afka qalaad lagu yiraahdo marble oo la sheegay in laga soo qaaday gobolka Rajasthan, isla markaana uu ahaa mid aan horay dhismeyaasha loogu isticmaalin.

Dhagaxaasi wuxuu subaxda hore noociisu u egyahay midabka basaliga, galabtii wuxuu u ekaadaa midabka cad, halka maqribadiina uu isku baddalo midabka caanaha.

Rabindranath Tagore oo ka mid ah abwaaniinta ugu caansan dalka Hindiya ayaa dhismaha Taj Mahal ku qeexay taariikh xanuun badan oo wakhtiga uu xusayo

Taj Mahal waa dhismaha ugu caansan dalka Hindiya, wuxuuna sannad walba soo jiitaa malaayiin ruux oo dalxiiseyaal ah, laakiin dayac tir la’aan iyo wasakh wuxuu halis ugu jiraa inuu burburo.

Shamshuddin Khan wuxuu dadka dalxiiseyaasha ah dhismahan ku dhex wareejinayay oo uu kala tusayay muddo 30 sano ah.

Intii lagu guda jiray wakhtigaas wuxuu hage dalxiise u soo noqday in ka badan 50 hogaamiye oo ka kala socday caalamka.

Madaxdii ugu dambeysay ee dhismaha Taj Mahal uu ku dhex wareejiyay waxaa ka mid ah madaxweynaha Sri Lanka iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil.

.

Mr Khan wuxuu sheegay in Muddadii 30-ka sano ahayd ee uu howshaas waday ay timihiisa marba marka ka dambeysa sii caddaanayeen, laakiin dhismaha Taj Mahal isagu uu sii madoobaanayay.

“Mararka qaar ceeb ayaan dareemaa markii ay dalxiiseyaasha ajaanibta ah i weydiiyaan sababta loo dayac tiri la’yahay Taj Mahal. Waxay sidoo kale i weydiiyaan sababta uu uga sii dhamaanayo dhaldhalaalkii uu lahaan jiray. Annagu haddii aan nahay dadka dalxiiseyaasha haga, su’aalahan wax jawaab ah uma heyno”.

Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska ee Hindiya ayaa sheegtay in tiro u dhaxeysa 4 ilaa 6 malyan oo dalxiiseyaal ah ay booqdeen Taj Mahal shanti sano ee ka horreysay 2015-kii.

Qulqulka dalxiiseyaasha bartilmaameedsada dhismahan ayaa billowda bisha Oktoober, wuxuuna socdaa ilaa bisha Maarso.

Hase ahaatee, Taj Mahal wuxuu hadda luminayaa dhaldhalaalkiisa. Tiirashiisa aasaaska u ah hadda way sii daciifayaan, dildillaaca darbiyadiisa wey sii weynaanaanayaan, taasoo halis ka dhigeysa inuu dumo dhismahan caanka ah ee calaamadda u ah jacaylka.

Qeybaha sare ee dhismaha ayaa la sheegayaa iney hadda qarka u saaranyihiin iney burburaan.

Dabeylo xooggan oo dhacayay horraantii sannadkan ayaa sababay in labo ka mid ah tiirashiisa bannaanka hore ay dhulka ku darsameen.

W/Q: Maxamed Cartan Cali {Deeq-Darajo}

Mohamed Artan