Waa kuma ninka Bill Gates kaalinta qofka labaad ee ugu taajirsan dunida kala baxay?

0
129

Ganacsadaha dhanka tiknoolajiyadda iyo Tamarya ee Elon Musk ayaa kaalinta koowaad ka galay aasaasaha shirkadda Microsoft Bill Gates si uu u noqdo ninka labaad ee dunida ugu taajirsan ka dib markii ay degdeg ah aykor ugu kacday hantidiisa gaarka ah.

Hantida Mr Musk ayaa gaartay $ 128bn kadib markii saamiyada shirkada gawaadhida ee Tesla ay sare u kaceen.

Kaliya aasaasaha Amazon, Jeff Bezos ayaa ka taajirsan, Mr, Musk Xilligan sida uu sheegayo wargeyska Bloomberg Billionaires Index.

Talaabadan ayaa Timid kadib Markii La sheegay in Saamiyadda Shirkadda Tesla Lagu deridoono Saamiyadda Ugu Weyn ee Mareekanka

Taasi waxay kicisay mowjado cusub oo iibsiga saamiyada gawaadhidan korontada ku shaqeeya ah, iyadoo u dirtay qiimaha suuqa ee shirkadda in ka sarreysa $ 500bn iyo kor u qaadista qiimaha Mr Musk ee dhanka ganacsiga.

Tesla horey ba wax ay u ahayd shirkadda ugu qiimaha badan ee gawaadhida adduunka, in kasta oo ay soo saartay qayb ka mid ah gawaadhida tartamayaasha la ah sida Toyota, VW iyo General Motors.

Maalintii Talaadada, khudbad uu ka jeediyay Jarmalka, Mr Musk wuxuu ku sheegay inay “macno samayn karto” in Tesla uu ku sii fido Yurub isagoo baabuur yar la soo galaya qaybta suuqa.

Kadib sanado khasaare ah, Tesla wuxuu arkay shan rubuc oo isku xigta oo faa’iido ah maadaama iibinta gawaadhidooda ay sifiican u shaqeynayaan

Taas oo ahayd warkiu ugu farxadda badnaa ee helaan saamilaydeedu.

Gates and Bezos

Bill Gates, oo aasaasay shirkadda Microsoft, wuxuu ahaa qofka adduunka ugu qanisan sanado badan ka hor inta uusan Mr Bezos ka saarin kaalinta koowaad sanadkii 2017.

Hantida Mr Gates waxay u dhigantaa $ 127.7bn laakiin way ka sii badnaan laheyd hadaanu lacago badan ugu tabarucin sadaqo tobaneeyo sano.

Qiimaha saafiga ah ee Jeff Bezos ayaa lagu qiyaasay £ 182bn sida ay sheegayso Bloomberg. Isaguba sidoo kale hantidiisa shaqsiyeed sare ayay kacday sanadkan iyada oo baahida loo qabo adeegyada Amazon uu sii kordhiyey cudurkan fidiyaa.