Qisada Guusha Shahid Khan Milkiilaha Kooxda Kubada Cagta ee Fullham

0
149

Waad idin Salaamay Taageereyaashena Qiimaha Qadarinta iyo Qaayaha inaga mudan ee inagu Xidhan.

Waxaan Halkan Idinkula Wadaageynaa Qisada Guusha milyaneerka Lagu Magacaabo Shahid Khan oo ah Milkiilaha Kooxda Kubada Cagta ee Fulham iyo Silsilado Hoteelo Qaali ah.

Sidookale Ninkan waxaa uu leeyahay Warshado Sameeya Qalabka Gawaarida ee loo yaqaano Spare parts-ka

Taariikhdiisa Marka aad Dib u milicsato Shahid khan Waxaa uu kamid Yahay Tiro Dad ah oo eber Ka soo Bilaabay Haatanna ah Milyaneero Balaayiin Dollar Heysta.

Shahid khan waxaa uu isaga oo Gacmo Maran kasoo Haajiray Wadanka Pakistaan isaga oo Xilligaa Rarka Dhigtay Wadanka Mareekanka.

Shahid Ayaa La sheegay in Xilligii uu Pakistan Ka soo Duulaye uu Heystay Kaliya Lacag dhan 500 oo Dollar Oo uu islahaa Noloshaada ku maaree ilaa inta aad shaqo ka heleyso.

Marka uu Mareekanku Gaaray Waxaa uu degay Wax Magac guri Huwan oo 2 Dollar lagu Seexdo Xilliga Habeenkii Balse Maalmo Yar kadib waxaa uu Helay Shaqo Taasi oo ah in uu Maqaaxiyadaha Saxamada u dhaqo.

Niyadiisa Su’aalo Badan ayaa ka dhex guuxaye Kuwaasi oo Sabab U Noqday Heerka Uu maanta Taagan yahay.

Wuxuu go’aansaday in uu jaamacad bilaabo isaga oo ku biiray Jaamacad kutaala Mareekanka iyadda oo Durba Mucalimiinta Jaamacada uu kaga yaabsaday Maskaxdiisa iyo sida uu Waxbarashada ugu wanaagsan yahay.

Sanado Badan oo Shaqadiisu ay aheed Weelal Dhaqid si uu Quudkiisa u saxo isaga oo Gelinna Jaamacada aada kadib Waxaa uu Bartay Injineernimada Warshadaha.

Shahid Khan ayaa Markii uu Jaamacada dhameeyey Waxaa uu shaqo ka helay shirkad Qalabka Baabuurta Sameeysa oo uu la shaqeynaye mudo 7-Sano ah balse waa uu isaga tagay kadib markii shirkadu ay qiimeyn Weyday Afkaar iyo Fikiro Muhiim ahaa oo uu u soo jeediyey.

Wuxaa uu go’aansaday in uu dhidibada U taago shaqo isaga ugaara si uu uga baxo in uu mushaar suge ahaado.

Intaa kadib ayuu Qaatay Go’aan in uu raadsado Xoogaha Deyn ah si uu u aas aaso Shirkad yar oo uu isagu leeyahay kana shaqeysa Wixii uu isagu soo bartay mudadana uu ka soo shaqeynaye.

Wuxuu Furtay Shirkad yar isaga oo kusoo Kordhiyey Afkaar Cusub  Balse Mudo gaaban kadib Shirkadii hore ee uu u shaqeynaye ayaa Mackamad ku soo oogtay iyagga oo leh wuxuu inaga xaday Fikradeenii Balse Nasiib Wanaag Cadaaladii ayaa Guuleysatay Shahiid Khanna waxaa uu noqday mid Bari ka ah Dacwadii lagu soo oogay.

Waxaa Qorneed In Mudo Gaaban Gudahood ay Fashilanto Oo ay kala kacdo Shirkadii Hore ee uu 7-Sano kasoo shaqeynaye taasi oo Fursad kale u noqotay Khan isaga oo Bilaabay in uu soo iibsado Isla Shirkadaa uu mudada u soo shaqeynaye.

Shirkada Shahid khan ayaa mudo yar kadib Hanatay in Shirkadiisa Kobaca dhaqaale Sameyneysay  ay Daboosho Kala Bar Qalabka Isberbartska ee Gawaarida Mareekanka oo dhan.

Waxaa si Xowli ah u koray Hantidiisa iyadda oo 2011-kii uu gatay Naadi Ciyaaro Kubadda Mareekanka Naadiga lagu magacaabo Jacson Fild qiimo dhan 770-milyan oo Dollar.

Waxaa kaloo uu gatay Naadiga Full ham ee ka Ciyaarta Horyaalka Sare ee Ingiriiska iyadda oo uu sidookale Iibsaday Hoteelo Qaali ah oo kuyaala Mareekanka iyo Kanada.

Tani waa mid kamida Qisooyinka dhinaca Halganka tan ugu Wanaagsan waxaayna ina tusineysaa in Hormar Lagu Gaaro Shaqo adiga aad leedahay balse Cagsigeeda aan lagu gaarin Shaqo aad Mushaar qaate un ka tahay.

Fadlan Hadii aad ka heshay Like Sar siina share garee si ay ugaarto Saaxiibo Badan wixii Fukir talo iyo Tusaale ahna inoogu reeb qeybta hoose ee Commentska      Thanks