Qisada Guusha Nin Ka soo Dhex Baxay Kulelka Saxaraha Holaca Tufaayo | Suleyman Alraajici |

0
212

Waxaan Idinla Wadaagayaa Qisada nin Kasoo Dhex baxay kuleelka Saxaraha Holaca Tufaayo Xilli Deegaanka iyo Dalka uu kunoolaa uu ahaa meelaha Caalamka ugu Faqrisan .

Waa Suleymaan Al Raajici Bilyaneer Caanka ahaa wadamada Carabta.

1929 ayuu dhashay xilligaas oo uu Dhulka Sacuudigu uu kamid ahaa Meelaha Caalamka ugu adag ee lagu Noolaado.

Faqri iyo Gaajo aad u xun ayaa Jaziirada Carabta kajirtay kahor Soo saarida Betroolka.

Waxaa aad u adkeed in la arko Qof Maalqabeyn ah taasi oo keentay in Suleyman alraajixi isaga oo 9-jir ah uu Dambiisha Qaato si uu wax u iibiyo.

Xaalad aad udag oo ay kujireen Reerkiisa Aawadeed ayaa Waxaa ay Suleyman ku qasabtay in uu iibiso Dambiilaha waxlagu qaato cilligaa oo reerkiisa ay usoo guureen Magaaladda Riyad iyagga oo Doorbidaye in ay Dhaanto Nolosha Deegaankooda.

10 sano marka uu gaaray Dambiil iibinta waxaa uu uga sii gudbay in uu Xamaali noqdo isaga oo da’da 12 sano markii uu gaarayna u wareegay in uu guro Miraha Timirta isaga oo Xilligaa la shaqeynaye Beeraleyda.

Waxaa yar in Koonkan lagu arkayo Howl uuna ka soo shaqeynin Suleyman al raajixi taasi oo Siisay Qibrad iyo waaya aragnimo Aad u dheer.

Marka uu gaaray Da’da qaangaarka ayuu Bilaabay in uu Furto Dukaan Yar oo lagu iibiyo Raashinka Qutul Daruuriga ah sida Sokorta Galeyda Cusbada iyo Taraqa.

Mudo gaaban kadib Dukankii wuu iska iibiyey si Lacagta yar ee uga soo baxdo uu ugu kaashato Guurkiisa Balse Mudo Yar kadib waxaa uu Bilaabay in uu bilaabo Sarif isaga oo Xujeyda u kala bedeli jiray Lacagaha Wuxuna Mashruucan Bilaabay Sanadkii 1956-dii.

Sarifka Lacagaha Waxaa kula soo Biiray Walaalkii Saalix Alraajixi balse Dadaal iyo Howl adag kadib waxaa Kabarkii Yaraa ee Sarifka Ka dhashay Bankiga weyn ee Alraajici Oo Boqolaalka Xarun ku leh Gudaha Wadanka Sacuudiga iyo Qeebo Badan oo kamida Jaziirada Carabta

Maanta Bankiga Alraajixi in Kabadan 800 Oo Laan Ayuu Kuleeyahay Gudaha Sacuudiga isaga oo Xarumo aad ufara badan ku leh Daafaha Dunida.

Allaha unaxariistee Suleyman Alraajici ayaa Geeriyooday sanadkii 2017-kii xilligaas oo uu jiray da’ada 97 Sano  balse Waxaa uu kamid yahay Dadka Haldoorka u ah Jaziirada Carabta islamarkaana Nolosha kagaaray Guulaha Lataabankaro iyadda oo aan Qisadiisa Guusha usoo Xulanay si Dadkeenu ay wax uga bartaan Dhadhanka Guusha.

Fadlan hadii aad ka heshay Like saar siina share garee si asxaab badan ay ugaarto sidookale wixii Fikir talo iyo Tusaale ah inoogu reeb Qeybta hoose ee Comments-ka        thanks