Qisada Guusha H.Weyne | Ninkii Qashin Qaadaha Ahaa ee Guusha Hantiyey.

0
152

Waxaan idin la wadaagayaa Qisada Guusha Ninkii Qashinqaadaha ahaa Ee Waxne aan Baran islamarkaana Gaaray Guul Weyn.

Waa Harri Wayne hadii aan Raacno Qaabka Faqriga iyo sidda Bini’aadamku wax u qiimeeyo waxaa inoo soo bixi inaysan Macquul aheyn in Ninkan Uu Gaaro Guul Lataaban karo Marka aad eegto Noloshiisa iyo Xaalada Uu Markaa ku sugnaa Balse Waxaa Tani ka Baran Karnaa in Qiyaadka Hantiyadeed ee ilaahey aysan Cidna Ka Mamnuuc aheyn.

Qisadan ayaa waxaa ay ina bareysa in guul laga gaari karo shey umuuqda mid liita iyo in inaad Hanti yeelato aysan ku Xirneen Barashada Cilmi Gooni ah iyo Heysashada Shahaado Sare.

Hadaba Hadii aad wax ka faa’iido oo aad ka hesho like saar oo Waxa ay inaga caawineysaa inaan garano Kaheltankaaga iyo in Muuqaalku uu gaaro Saxibo Fara Badan          Mahadsanid

Harry Waa Nin Asal ahaan hollandes ah kuna Dhashay Marekanka Waxaana uu kamid yahay Ragga Salka Hoose kasop Bilaabay ee Guusha Hantiyey.

Marka uu dhowr iyo tobon jir gaaray Waxaa uu indhaha ku kala qaaday Is Furida Labadiisa waalid taasi oo keentay in Qoysku uu kala Furfurmo iyadda oo aan Qiyaasi karno Ugu Yaraan Dayaca Caruurta ee ka dhalankara Is Furka iyo Kala Taga Labada Waalid.

Marka uu 15-Sano gaaray waxaa laga soo Ceyriyey Iskuulkii Balse wuxuu ahaa Wiil dhaqaq badan iyadda oo markii uu gaaray dhowr iyo labaatan sano jir uu bilaabay in uu ka shaqeyo shirkad ka shaqeysa dhinaca iyo Qashin qaadista Mana laha Wax aqoon kale oo uu ku shaqeysto.

Labo Howl ayuu isku qaban jiray Sida in uu Ahaa Darawal Kaxeeya Gaariga Qashinka lagu qaado iyo in uu shirkadda Kusoo Xiro Macaamiil Cusub oo intuu Dadka ugu tago Guryahooda Kasoo Gado Shirkadiisa iyo Shaqada ay qabaneyso ee ah in Qiimo Macquula ay qashinka uga qaadeyso.

Balse 2-Sano Markii uu Howsha waday ayuu Isweydiiyey su’aal aheyd weligaa Dadmaad u shaqeyn isaga oo Xilligaa isku qanciyey in uu ka baxo sugitaanka Mishaar Bisha 5-teeda Go’a iyo Deen Joogto ah.

Hadaba Harry Waxaa uu Furtay Shirkad yar oo ka shaqeysa Qashinka balse malaha wax gawaari ah oo qashinka lagu qaado.

Nin ay saaxibo ahaayeen ayuu ka iibsaday gaari Qadiimi ah oo ah nuuca Qashinka lagu qaado oo halkaas gaari ayuu ku shaqo bilaabay.

Dadaal adag iyo Juhdi Fara Badan oo uu geliyey Shaqadiisa iyo Jaceylka uu u qabo Darteed waxaa ay sabab unoqotay in shirkadiisy ay ku faafto Gobolka Florida oo Dhan.

Waxaa kalo jirtay shirkad kale oo yar oo uu lahaa nin ay qaraabo ahaayeen oo iyaduna ka shaqeysa dhinaca iyo qaadista qashinka inkasto mudo yar kadib ay midoobeen iyagga oo labaxay magaca shirkadda mareynta Qashinka.

Harry iyo Shirkadiisu waxaa ay ku gulesteen iibsashada 133-Shirkadood oo yar yar oo ka shaqeeya dhinaca iyo Nadaafada.

10-Sano kadib Harry waxaa uu xaqiijiyey in Shirkadiisu ay ku fadhido Lacag dhan 82-Milyan oo Dollar, 60.000 Oo Shaqaale ah iyo 600.000 oo Macmiil ah.

Waxaa Xusid mudan in Harry uusan ku ekaan Shirkadda Mareynta Qashinka oo kaliya balse haatan uu leeyahay Shirkado kale oo Fara badan.

Hadaba hadii aad waxka Faa’iiday ama Uu Ku Xiiso Geliyey Like Saar Siina Share-garee si Qormadan ay ugaarto Dad Badan mahadsanid