Qisada Guusha Du Wong Jan | Milkiilaya Shirkada “For Ever 21” |

0
193

Waxaan idinla wadaagayaa Qisada Guusha Nin ka bilaabay Ka shaqeynta Kaalin Shidaal lkn ugu Dambeyn Dhisay Shirkado Waweyn oo Mansab iyo Maamus kuleh Dunida.

Waa ninka lagu magacaabo Du Wong Jan Oo Asal ahaan ka soo jeedo Koofurta Kuuriya.

Sideetamaadkii  ayuu gaaray Mareekanka Xilligaas Kuuriya Sida ay maanta tahay ma aysan ahen oo waxaa yaraa Fursadaha Shaqo sidookalena maaheen hadii uu mareekanku gaaray in uu Lugaha iyo Gacmaha  la galayo Lacag Balse waxaa uu ku Qasbanaa inuu saacado badan ka shaqeeyo Shaqoyin Yar yar si uu noloshiisa ugu daboolo

Wuxuu ugu yaraan ka shaqeynaye 3-Shaqoyin oo yar yar waxaana kamid ahaa kaalin shidaal.

Wuxuu arki jiray in Ragga Gawaarida Quruxda Badan wata ee shidaalka Uu u shibayo in ay badanaaba ka shaqeyan Shirkadaha Dharka taasi oo Sababtay in uu ku fikiro in uu Sameyo Dukaan yar oo Dharka lagu iibiyo.

Lacago Yar oo uu shaqooyinka adag ka soo xareeye ayuu galiyey Dukankii Dadaal Badan iyo Shaqo Adag Kadib nasiib wanaag Ganacsigiisii wuu guuleystay isaga oo sanadkii ugu horeeye uu iibiyey Dhar qiimihiisu uu ku kacay 700.000 oo Dollar.

Intaa kaliya kuma uusan ekaan ee wuxuu kusii balaartay dhinaca Dukaamada Dharka wuxuuna aas aasay shirkadda For Ever 21 Oo Caan ka ah Marekanka iyo Qeybo Badan oo kamida Dunida.

Ninkii Kaalinta Shidaalka Ka shaqeyn jiray Hada Waxaa u shaqeysa 45.000 Oo Qof wuxuuna leeyahay 800 Oo Xarun oo Kutaali 48-Dal oo Ku kala yaala Daafaha Caalamka.

Hadaba Hadii aad Wax ka Faa’iiday Qormadan oo ay ku Xiiso Gelisay Like Saar siina Share garee wixii Talo Tusaale ah oo aad jeceshahay inaad nala wadaagto Inoogu dhaaf Qeybta Comments-ka.

Mahadsanid