Ma Dareemi Karno Nimcada uu alle ina siiyey.

0
160

Waan idin Salaamay Saaxiibada Qiimaha Qadarinta iyo Qaayaha inaga Mudanoow Meel Walbo oo aad Joogtaan iyo Marxalad kasta waxaan Idin Leeyahay Waqtigu Ha idiin Wanaagsanaado.

Waxaan Halkan idinkula Wadaagayaa  Sheeko Gaaban oo aad U Xikmad Badan.

Hadaba hadii ay ku xiiso geliso Warbixintan Like saar si aan u dareeno kahelitaankaaga islamarkaana aan u soo badino mahadsanid.

Waxaa uu ahaa nin da’adiisu ay dhex dhexaad tahay waxaana uu ahaa nin aad ugu mashquilsan Dunidan Taasi oo Saban Unoqoto In uu iloobo Xusuusta Allah.

Balse Maalin Maalmaha Kamida ayaa Waxaa ku soo Booday Xanuun ah in ay kaadida ku dhegto islamarkiiba Waxaa loola Cararay Cisbitaal.

Baaritaano Iyo Mashquul Badan kadib ayaa waxaa lagu wargeliyey Ninkii in uu kujiro Xaalad aad u adag loona baahan yahay inuu Qaliin Maro Si Noloshiisa Loo Bedbaadiyo Waana Uu Maray.

Saacado kadib ayaa Waxaa U yimid Dhaqaatiirtii Cisbitaalka iyagga oo ku war geliyey in uu Caafimaad qabo islamarkaana uu ka bedbaaday Halistii waxaana ay u dhiibeen warqad yar oo ay ku qorantahay Qarashaadkii Dawada iyo Qaliinka ee uu Cisbitaalku kusoo Dalacday.

Balse Ninkii ayaa Oohin Ooda Jabsaday.

Dhaqaatiirta ayaa aad ula yaabay ninkan oohintiisa iyagga oo aad ugu wareeray waxaana ay weydiiyeen Sababta Keentay Oohintiisa Iyagga oo aan u sheegin wax laga naxo kuna wargeliyey inuu Caafiimaad qabo.

Markii dhaqaatiirtu su’aashaa ku celiyeey ninki ayaa intuu yara aamusay daqiiqado kadib kuyiri

“Waxaan Noolaa Mudo Konton iyo Lix sano ah oo aan caafimaad qabay hal maalin oo aan xanuunsaday oo ay kaadida igu dhegtay  waxaad iga Rabtaan lacag dhan 12-kun oo Doolar, Waqtigii Hore Waa aan Kaadinaye Dhib La’aan Iyadda oo aan Wax Lacag ah la iga rabin Alle ayaana ku mahadsan” Alxamdullah.

Dadka Caqliga u saaxiibka ah Macno weyn ayey ugu Fadhidaa Qisadan waxaana Waybaaha aan ka baran karno kamida.

In nimada aad heesato aad si dhabba u daremeyso markii aad weydo balse ay muhim tahay in Markasta Rabi subxaanahu watacaalaa aad kaga mahad noqdaa Nimcooyinkan Fara Badan ee uu ina siiyey Kahor intaa aadan waayin.