Lacagtu Farxad Malagu Iibsan Karaa.!!!

0
264

Waxaan Qormadan Ku eegi donnaa Lacagta Farxad Malagu Iibsan Karaa.

Xaqiiqatan Waa Mowduuc Cajiiba Iyadda oo aan Filayo in Saaxiibadeenu ay Aad uga wada heli doonaan Sheekada Xikmada Leh ee aan Muuqaalkan kusoo Qaadan doonno iyadda oo Tusaale iyo Tilmaam wanaagsan u noqon doonto In Lacagta Farxad Lagu helikaro amaba lagu iibsan karo.

Fadlan Hadii aad ka hesho Muuqaaladda Nuucaani oo kale ah Like saar si aan usoo Badino Oo aan u ogaano ka helitaankaaga Mahadsanid.

Waxaa Hubaal ah oo la isku wada Raacsan Yahay in Qofba Qofka uu Ka Hanti Yar yahay uu Ka walwal iyo Walbahaar yar yahay taas Cagsigeedana Qofba Qofka uu Ka Hodonsan Yahay Waxaa la isku Raacay in uu Ka wal wal iyo walbahaar badan yahay sida aan ku arki doonno sheekadan Xikmada Leh ee inagu soo maqan.

Waxaa Jira Labo Nin Oo lakala oran jiray Guuleed iyo Faarax.

Faarax waxaa uu ahaa nin Beeraley ah oo Iska Faqiira Halka Guuleed  uu ahaa Nin Taajira.

Faarax waxaa uu ahaa nin Faqiira Balse Noloshiisa Ku faraxsan kuna Raaxeesta Xitaa Habeenki marka uu seexanayo waxaa la sheegay in uusan xiran jitin Albaabada iyo Daaqadaha Gurigiisa.

Hayeeshee Guuleed oo ahaa Nin Taajira ayaa aad ula yaabay Ninkan Saaxiibkiis ah oo isaga oo Faqiira hadana iska faraxsan oo Xitaa Xilliyadda Habeenkii ah Iska Seexda iyadda oo ay u furan yihiin Albaabada iyo Daaqadaha Gurigiisa isaga oo aad uga soo Horjeestay arintaas iyo Farxada Faraha Badan ee Faarax uu heesto.

Maalin maalmaha kamida Guuleed waxaa uu u yeeray Faarax waxaana uu siiyey Qasnad lacag ah isaga oo u sheegay in uu yahay nin iska faqiira uuna ubaahan yahay Lacagtan wax badanna ay u tari doonto mustaqbalka dhaw iyo Midka Fog.

Waxaana uu uraaciyey in Lacagtan ay maalin un meel uga soo bixi donto oo anfaci doonto.

Faarax Waa uu farxay, sidii maalintii oo dhan uu u koolkoolinaye Lacagti waxaa Lagaaray Habeenkii, waxaa uu aaday Sariirta si uu u seexdo Balse Caawa Ma seexan karo xitaa Daaqadaha iyo Albaabada Gurigiisa Waa uu xiray si uu uga taxadaro Lacagta Balse Weli Ma seexan karo.

Sidii uu Kolba Lacagta u eego Oo uu u koolkooliyo waagii ayaa ku cadaaday isaga oo aan Hurdo Gama’ siin ama aan seexan.

Balse waagii Marka uu Cadaaday ayuu inta uu lacagtii soo qaaday waxaa uu ugeeyey Saaxiibkii Guuleed waxaana uu ku yiri Saaxiib Hoo Lacagtaada, aniga waxaan ahay qof iska Faqiira, Lacagtaadana Waxa ay ii diiday Hurdadii iyo Farxadii marka dib iiga qaado Lacagtaada.

Tani waxaa ay inoo cadeyneysaa oo aan ka baran karnaa in lacagta aan Farxad lagu iibsan karin islamarkaana aan lagu heli karin wax farxad ah ayna Muhiim tahay in Qofkasta waxaa uu yahay iyo nolosha uu heysto uu ku qanacsanaato.

Ogoow hadii aad Noloshaada Dhabta ah ku qanacsan tahay waxaad Tahay Qof Hantiyey Farxad Tan ugu Qiimaha Badan.

Fadlan Hadii aad Wax ka faa’iiday Warbixintan Sii Share-garee oo la wadaag asxaabtaada kale Mahadsanid.