Nuuca Ragga Ay Dumarku Ka Helaan.!!!

0
59

Waxaan ku hayaa 6 qodob oo kaa dhigaya inaad Noqoto Ragga Mid ay Dumarku ay aadka u jecel yihiin.

Hadii aad aragtay Wiil Inta uu gabadh u qaaday Jaceyl Xad dhaafa Wax walbo oo ay rabto u sameyn jiray hadana ay meel cidlo ah kaga dhaqaaqday kana Diir biday midkale oo laga yaabo inuusan u heyn kalgacelkii Midkii Hore.

Waxaan hubaa in ugu yaraan mar un aragtay, wiil-gabadh aad ujeclaa, kol koolin jire, waxay ka dalbatana u yeeli jiray. Hadana gabadhu saas u ahaa cidla kaga dhaqaaqde, kana doorbide mid kale oo waxas oo kal gaceyl ah ka heleynin.

Maxaa Sababay.

Waxaan ku hayaa Qodobo Mihiima oo Kaa Saacidaya inaad Noqoto Nuuca Ragga oo ay Dumarku Jecel yihiin.

6 Talaabood oo si dhaqsa ah ugu Noqon Karto Nooca Ragga ay Dumarku ka daba Dhacaan.

 

1.Wax Yar Hadal.(Speak Less)

Dumarku waxaa ay aad u jecel yihiin Ragga Aadka u hadal gaaban.

Ragga midka aamusnaanta badan oo marka uu hadlana hadalkiisa uu yahay mid aad u kooban oo xikmadeysan.

2.Isku Kalsoonow.(Be Confident)

Dumarka waxa ay aad u jecelyihiin Ragga midka Nafsad ahaan isku kalsoon, Midka ka Takhalusa Walwalka iyo walbahaarka.

Ficiladda aad sameyneyso haka turjumaan Kalsoonidaada.

Uhadal una soco  Si kalsooni ay ku dheehan tahay adiga oo Go’aanada aad gaareyso aad ugu kalsooni qaba waayo Ragga waxaa ay Kadhigtaa mid ay Dumarku ka dabadhacaan.

3.Noqo Garabkeeda(Support her)

Dumarku waxaa ay aad u jecelyihiin Ragga midka Garabkeeda Taagan Markasta oo ay Dhibaato La soo Deristo.

Ragga midka Isku howla In marka ay hadleeyso sifiican u Dhageysta oo dhuuxa hadalkeeda taasi oo soo dedejinkarta in Marka Dambe ay ku aaminto islamarkaana aad noqoto midka ay Talo weydiisata markasta oo ay xaalad la soo gudboonaato.

4.Nin Adag Noqo.

Inaad nin adag noqotaa waa mid kamid ah waxyabaha daruuriga ah ee kuu sahleyso inaad noqoto ninka ay dumarku kahelaan.

Inaad nin adag noqoto macnahedu maaha inad murqo waaweyn yelato, madamo xitaa dumarku ay kahelaan ragga murqaha lahi balse wa inaa noqoto mid muqaal ahan iyo dareen ahanba adag.

Markasta ha kacaban noloshaada, ha iska dhigin mid dhaciif ah, hana iskadhigin mid u muuqda inay noloshu aad ugu adag tahay.

5.Bogaadi.(Compliment her)

Dhammaan Bini’aadamka oo idil waxaa ay aad ujecelyihiin in maqalka dhagahoodu ay ku soo noqnoqoto Hampalyenta iyo Bogaadinta marka Howl qofku qabto.

Marķasta oo aad Dumarku Ku badisaa Amaanta waxa ay ka dhigantahay inaad ku sii dhawaneyso inaad noqoto mid ay ka heshay.

Usheeg inaad ku faraxsantahy waqtiga aad isla qaadatiin, usheeg inay qurux badantahay balse haka badbadin amaanta hadii kale waxaay ku fahmeysaa inaad tahay qof hadalka iskdď¾¾999a dhahaayo oo kali ah.

6.Mararka Qaar Dib U istaag(Push-Pull Method)

Mararka Qaar u sheeg inaad Mashqulsan tahay oo aad howl ku ku mashqulsan tahay oo aad hadhow soo wici donto xitaa hadii aad Fariimo ku sheekeysan jirteen oo aad hore uga jawaabi jirtay iskuday in daqiiqado aad dib u dhigto adiga oo mashquul iyo shaqo adag sheeganaya.

6.Maya Dheh.(Say No)

Ha noqon midka waxkasta ay gabadhu tiraahdo ku raaca. Khilaaf markad aminsantahay inaad sax santahay.Maya dheh adigoon wax sharaxaad ah bixineynin.

U istaag waxad xaq u leedahay, war kaaguna ha cadaado. Noqo mid qawl leh hadalkisana kutaagan marwaliba.Nooca raga ay dumarku ka helaan ayaa eh kuwa go’aanka leh hadalkoodana ku dhaqaaqa

Ogow Dumarku kama Helaan Ragga Midka iyaddu ay maamusho oo had iyo goorba ka dabacarara.

Inaad qof walba ula dhaqanto adigo raacayo farsamoyinkan, waxay ka dhigi kartaa mid asxabtisu aad u yartahay.

Sidaa daradeed, waxa ugufiican aad samen kartaa waa inad barato waqtiga ugu haboon ee aad isticmasho farsamoyinkan.

W/Q:- Zakariye Maxamuud Cali Qaran.