Astaamaha Lagu Kala Garto Qofka Daacada ah iyo Qofka Qiyaanooleha Ah.

0
68

Waxaan Halkan idinkuugu soo Gudbin Donnaa Astaamaha Lagu Garto Qofka Daacada ah iyo Qofka Qiyaanoolaha ah.

Waa Mowduuc aan Jecleystay in Bulshadeyda aan la wadaago islamarkaana aan Filayo in wax badan laga faa’iidayo.

Hadii Aad Si wanaagsan u dhuuxdo Qodobada aan kuu soo wado waxaa kuu sahlanaaneysa in aad sidhaw ku garan karto in qofkan uu yahay qof daacada iyo in uu yahay qiyaanoole.

 

Qofka bini aadamka ah wax yaabaha ugu adag ee aanan marnaba laga ogaankarin waa waxa qalbigiisa ku jira.

Sidaasi daraadeed Qofka daacada ah ama qofka qiyaanoolaha ah marnaba Dadka dhexdiisa lagama Dhex garan karo

Balse dadka iyagga oo taariikhdiisii hore ama dhaqankiisa Dib loo milicsanayo ayaa waxaa la qiyaasi karaa oo kaliya qofka hadii uu wanaagsan yahay ama inkale.

Sikale hadii aan u dhigno  astaamaha Qofka Daacada ah waa in qofku uu yahay mid run sheeg badan ama Qofku in uu balanta ku wanaagsan yahay ama qofka in uu naxariis badan yahay.

Ama qofka in Dabeecada uu dadka kale kula dhaqmo ay aad u wanaagsan tahay.

Sidookalena waa in qofku uu yahay mid dadka kale aan gadaal ka xaman.

Qofkii arimahan iyo kuwa lamidka ahba ku sifooba waxaa la dhihi karaa waa qof Daacad ah.

Halka qofka Qiyaanooleha ah Lagu garto Arimahan aan soo Xusnay Cagsigeeda sida in qofku uu yahay  mid Been Badan ama Qofku in uu yahay Mid Balan kabax badan oo aan Marnaba Dhowrin Balanta iyo in qofku uu yahay mid Tuug ah.

Qofkii Arimahan Ku sifooba waxaa Muuqata in uu yahay Qof Qiyaanoole ah.

Waxaan Filaa In Qormadan aad ka heshay oo wax badan ka faa’iiday fadlan sii share garee si iyaguna ay uga faa’ideystaan Saaxiibadaada Kale ee Wan wanaagsan sidaadookale.

W/Q:Zakariye Maxamuud Cali Qaran.