Maxaa Keena Biyo-Baxa Deg Dega Ah (premature ejaculation) PE & Qodobo Xasaasi Ah

0
104

Waxaan warbixintan kaga hadleenaa dadka qaar waxa ay u yaqaanaan Sensative Ama Xasaasi balse sikale hadii loo eego waa arin Caafimaad oo aan Aaminsanahay waa Wanaagsan tahay in lawadaago.

Waxaa Suuragal ah in Dadkeenu aysan Wax weyn u arkin Waxyaabaha Qaar sida Dhibaatadan aynu Maanta Ka hadleeno oo kale ee loo yaqaano Birimaajuu ejaakulaashan ama Biya Baxa Deg Dega ah.

Xanuunkan ayaa waxaa uu noqday mid fara ba’an kuhaya dhalinyarada qarnigan.

Dad badan ayaa laga yaabaa in ay aad ula yaabaan ereyada iyo Halku dhigyada aan adeegsaneyno Balse waa arin Caafimaad iyo Tusaaleyn aan Jecelnahay in Bulshadeenu aan la wadaagno.

Muuqaalkan Maanta waxeynu ku Gorfeyneenaa Xanunka Looyaqaano Birimaajuu e jaakulashion ee Loosoo Gaabiyo “BE” oo boqolkiiba 65-70 Isku Celcelis ahaan Kudhaca Ragga Aduunka iyadda oo sedexdii Rag ee Meel ku kulansanba Lagayaabo in Midkood uu wajahayo Dhibaatadan lasoo derista waqtiga uu Qofku Guursado kadib ee la xeriirta Biya baxa Degdega ah.

Marka laga soo tago In qofka uu awood buuxda Uu uleeyahay in uu ogaankaro Heerka Minidiisa ama Biyuhiisu uu Xajisan karo xilliga Galmada marka uu Qofku Guursadohadana waxaa jira in Qofku uu Dareemo Biyabaxa deg dega.

Daawade waxaan wada ogsoonahay in caafimaadku uu yahay Sheg aad iyo aad qaali u ah iyo in ay adagtahay in Qof dhalinyaro ah inta uu maanta Baxo oo uu utago dhaqtar islamarkaana uu u bandhigto Xanunkan oo kale.

Qofka Doobka ah xilliyadda uu isku arko Biya baxa Saa’idka ah waxaa kamida Xilliga Riyada.

Waxaa Jira Quraafaad Aad u badan oo dadka waagii hore ay ka rumeysanaayeen biyabaxa Xilliga Riyadda hadana taasi waxaa loo sababeeyaa oo ugu waaweyn in qofku uu Riyadda ku arko wax dareenkiisa Kiciya ama Uu sawirto Wax uu aad ula yaabay ama uu jecleestay oo uu maalintaa soo arkay taasi oo sabab unoqota in qofku Biyo Badan uu Sariirta ku duldaadiyo isaga oo hurda.

Balse dhaqaatiirtu arintan waxaa ay ku sheegeen mid iska caadiya oo aan habayaratee wax dhibaato ah la heyn.

Maxaa Sababa Biya baxa Deg dega ah.

Iyadda oo dhaqaatiirta qaar ay isku raaceen in Ragga qaar ay ku biyabaxaan 30-Second ama Wax kayar labo daqiiqo ayaa hadane waxaa jira in Mararka qaarkii arintan ay raggu wajahaan iyagga oo aan howshiiba bilaabin.

Waxyaabaha Arintan Soo Dedejiya wey Fara Badan yihiin Balse waxaa ka soo qaasaneenaa Qodobada ugu Muhiimsan.

1- Dhibaato Nafsiyan Ah ama Personal Problems.

2- Soojeedka Xilliyadda Habeenkii ayaa kamida wax yaabaha Soo dedejiya iyadda oo loo baahan yahay in qofku uu yareeyo Soojeedka faraha badan ee  Xilliyadda Habeenkii.

3- qofka oo ay la soo darsaan Dhibaatooyin xagga Jirka ah sida Qanjir xanuunka,  Xaninta oo ku xanunta iyo isbedel ku yimaada Xagga maskaxda oo qebweyn ka ah waxyaabaha Arintan soo Dedejiya.

4- Cabista Sigaarka iyo Cunista Qaadka ayaa iyaguna Kamida Waxyaabaha Sabab Unoqda Ee la arko inta badan marka Arimahan laga hadlayo waayo unugyada Dhiiga qaada oo ah kuwa aad u yar yar ayey kadhigaan kuwa aan Awood Badan u laheyn in ay kaalin mugleh ka qaataan in ay qofku uu biyihiisa Xajisto waqti Dheer.

5- in qofku uu kahor Guurka isticmaalo Gacantiisa isaga oo nafsad ahaan aaminsan in aysan waxba sameyn ku yeelan doonin marka uu Guursado balse xanunka ay arintaas u leedahay uu Dareemayo kadib Xilliga Guurka inkastoo inta uu Howlahaa kalihiisa Kujiro uusan war uheyn Dhibaatada dambe oo ay arintan leedahay.

Qodobada Horseeda Biya baxa Degdega ah aad ayey ufara badan yihiin Balse waxaan ka soo qaadanay oo kaliya Kuwa aan isleenahay hadba waa kuwa ugu Muhiimsan.

Hadaba daawade waxaan idiin Heynaa Oo Programe idinkaga soo Diyaarin Donnaa Xalka arintan Ama Marka qofku uu wajaho Xaaladan oo kale waxyaabaha Looga baahan yahay inuu sameeyo si uu Xal ugu Helo.

Hadii aad wax ka faa’iiday Muuqaalkan Fadlan Like saar una sii share-garee saaxiibadaada si iyaguna ay wax uga faa’iideystaan.