Waqtiga iyo Sida Aan Uga Faa’iideysan Laheen.!!!

0
121

Inaan Sameysano Jadwal Maalinle Ah waxaa ay inaga Saacideysaa Inaan sida ugu wanaagsan uga Faa’iideysano Waqtiga Islamarkaana aan Ugaarno Yoolkeena Horumarka iyo Baraare.

Waqtigu Waa Qeyb Muhima Oo kamida Nolosheena.

Daqiiqadaha Socda Maalinkasta waxaa ay ka dhigan Yihiin Waa Cimrigeena Oo Socda

Waxaan Muuqaalkeena Kaga Bogan Donnaa Sida aan uga Faa’ideysan karno Waqtiga ama Sida aan U jari laheen waqtiga kahor inta uusan ina jarin.

Hadaba daawade Like Saar Muuqaalkan hadii aad ka hesho muuqaalada nuucaani oo kale ah si aan usoo badino Oo aan u ogaano kahelitaankaaga Mahadsanid.

Waqtiga iyo sidii aan u maamulilaheen inaan Barano waa Muhiin Sababtoo ah Waqtigu waa Mid socda oo aan Joogsi laheyn Waxaana Muuqaalkeena kaga Bogan doonnaa Qodobo ku horseedikara inaan sida ugu haboon uga faa’ideysano oo aysan inaga dayacmin Daqiiqad kamida waqtiga.

Hadii aan baran weyno sida Waqtiga Loomaalgashado Waxaa laga yaaba in aanan Wax badan ka qabsan Nolosha inta aan nool nahay Sidaa Darteed waa Muhiim inaan barano sidii aan Waqtigeena umaamulilaheen.

Sidookale inta badan marka aan ka hadleeno maamulida Waqtiga dadku waxaa ay u maleeyaan in Waqtiga Laftiisa Lamaamulayo Blse waa Un In Aan maalgashano Daqiiqad Kasta oo kamida Waqtiga si aysan macno daro inoogu seegin.

Sameey Jadwal Oo Degso Qorshe ku aadan sidii aad Kaga faa’ideysan Laheed waqtigaaga.

Tusaale Sameey Jadwal ku aadan Howlaha aad qaban laheed Maalintaa adiga oo Qoraya Una kala hormarinaayo Hadba sida ay ukala Muhiimsan yihiin.

Marka Jadwalka aad sameyneyso waxaa Muhiima in Shaqo walba oo kugu Horgudboon Oo aanan ka tagikarin Aad ku Xusto Saacad aad qabato iyadda oo aadan katagin in Howlaha Isku midka ah ama iska agdhaw aad isku waqti ku calaameysato.

Waxaa kaloo Muhiima in jadwalkaaga Maalin laha ah aad markasta Ugu Horeysiiso Howlaha kuwa ugu Fudfudud ama aad adigu Shaqsi ahaan xiiseyneyso Si aysan Udhicin inaad caajisto ama inta aad Marba Howl Bilowdo Hadana aad dhex kaga tagto oo aad ku caajisto Taasi oo ah mid Dili karta Waqtiga islamarkaana Sabab unoqon karta in iyadda oo aadan sidii larabay uga faa’ideysan in si dhaw waqtigaaga qaaliga ah kaaga Baxsado.

Waxaan filaa in Muuqaalkan aad wax badan ka faa’ideysatay oo aad kaheshay Fadlan si asxaabtaada iyaguna kaga faa’iseystaan sii share garee