Suuliga Ugu Qaalisanaa Dunida Oo ay Ku Baxday 23-Milyan Oo Doolar

0
44

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa Waxaa Cirka Loo diray Suuliga ugu qaalisanaa Dunida Taasi oo ah Suuli Casri ah qiimaheeduna ay ku kacday 23-milyan Oo Doolar.

Suuligan ayaa la rumeysan yahay in ay isticmaali doonaan Dadka Mustaqbalka Cirka ama Meerayaasha aadi doona.

Waxaa la casriyeeye oo la sameeyey Suuli cajiib ah oo ka duwan suuliyaashii La isticmaali jiray.

Qorshaha Ah In Cirka loo diro Suuligan Casriga ah oo Lagu waday Khamistii Ma aysan d

hicin madaama Qubaradu ay sheegeen in Cilad Dhinaca Farsamada ah ay soo Foodsaartay balse Jicmihii ayaa lagu guuleestay in Hawada loo diro.

Hadal Heynta Baraha Bulshada ee Dadka Caalamka Waxaa ugu Waaweynaa In Bini aadamku uu Gaaray Heer Suuli Duulaya Hawada Loo Diro.

Waxaa Korortay Rajada Laga Qabo In Bini’aadamku uu ku noolaan Karo Meeraha Mars Kadib Markii Qubarada Dhinaca Seynisku ay Todobaadkii La soo Dhaafay Shaaciyeen In Meeraha Mars Biyo Lagu soo Arkay Iyadda Oo Sii Xoojisay Fikrada Ku aadan in Halkaa Lagu Noolaan karo.

Waxaa sidookale lagu baraarigay markii Meeraha Mars Biyo Lagu arkay In ay Suuragal tahay in Kaluun ama Xeywaanaadna ay ku Noolyihiin inkastoo Rasmiyan Looxaqiijin Biyaha Waxa ku dhex nool.

Balse qubarada Seyniska ayaa Rumeysan in hadiiba Maraha Mrs Lagu arkay Biyo Rajana laga qabo in Bini’aadamku uu kunoolaanlato in sidookale Meeraha Fenusna ay nolol ay lajiri karto ama ugu yaraan In halkaa Bagteeriyo ay kunooshahay.

Marka lagahadlayo Heerka adkaanshiyaha Ayaa Waxaa Qubarada qaarkood ay shaki gelinayaan in Dadku ay u saamaxeyso isticmaalka Suuligan Casriga ah Ee Dhaqaalaha Badan ku kacday madaana aysan Dadka Astarnutka ah u sahlaneen isticmaalka Suuliga.

Qubarada ayaa arintan u sababeeyey Madaama aysan Suuragal aheyn in Qofka xitaa hadii uu suuliga ku fadhistaan aysan waxa jirkiisa kasoo baxa hoos u soo dhaceen waayo majiro wax garaafateeshin ah oo soo jiidanaya.

Balse Hey’adda Naasa ayaa isku Howsha sidii Qofka Astanutka Noqonayaa ay ubari Laheed aas aaska noloshaasi iyo sidii uu  ulaaqabsan lahaa.

Qubarada Sameysay Suuligan ayaa Rumeysan in Suuligan Casriga ah ay Aad ugu riyaaqi Doonaan Dadka Aada Meerayaasha.

Balse Horay Dadkan waxaa ay u isticmaali jireen Qalab lagu Keydiyo Saxarada iyo Qofka Jirkiisa waxa kasoo baxa iyadda oo Mudo Kadib Keydintana Hawada la raacin Jiray.

Talaabadan ayaa Qubaradu Waxaa ay ku sheegeen in Ay Tahay Mid Horey Looqaaday Madaama hadii Kumanaan Qof ay Fursad uhelaan in ay Meerayaasha tagaan ay u baahan yihiin suuli ay isticmaalaan.

Arinta Layaab ka leh waxaa ay Tahay In Qofka marka uu Isticmaali Suuligan ay ku bacday Aduun lacageed oo dhan 23-milyan oo doolar in Saxaradiisa ama Kaadidiisa ama Waxkasta oo Jirkiisa Kasoo Baxa in Filter Gareen kadib Uu qofku Dib U Cabidoono.

Waxaana laga kaaftoomi doonaa baahi badan oo Biyaha Looqabo

Waqti xaadirkan Nasa Waxaa ay Bogeeda Twiterka Ku Qortay in Talaabada Suuligan Casriga ah Hawada Loogu Diray ay tahay Tijaabadii Ugu Horeysay simustaqbalka waxbadan Suuli Nuucaani ookale ah Loo soo saaro.