Isbarbardhig Awoodaha Milaratiga Kenya Somalia iyo Ethobia

0
72

Isbarbardhig Awoodaha Dhinaca Milatariga Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Ethobia.

Waxaan Eegidoonaa Dal walba Oo kamida Sedexdan waxdan Tirada Ciidamadiisa Milatariga Farqiga u dhexeeya Milatariga Somaliya, Kenya Iyo Ethobia Awooda iyo Tirada Ciidamada iyo Dhaqaalaha Ku Baxa.

Wargeyska Global FirePower, ayaa dhawaan soo bandhigay liiska muujinaya awoodaha milatari ee waddamada caalamka.

Inkastoo arrimo badan lagu eegayo xogta waddamada, Soomaaliya ayaa tirada ciidanka u dhiganta ama wax yar ka hooseysa Kenya.

Waxaan isbarbardhig ku sameyneynaa awoodaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee dhinaca milatariga.

Kenya

.

Kenya waxay kaalinta 84-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

Tirada guud ee shacabka Keny waxay ka badan yihiin 48 milyan,

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 19,600,998 ruux, oo u dhigma 40.5%, oo ka mid ah shacabka guud.

12,662,245 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 848,370.

Tirada ciidanka milatariga Kenya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 24,150 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Kenya.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Kenya

.

Ciidammada dhulka Kenya waxay leeyihiin:

76 taangi.

479 gawaadhida gaashaaman ah.

30 madaafiicda iskood isu haga ah.

25 madaafiicda la jiido ah.

Kenya ma laha qalabka gantaallada lagu rido.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Kenya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Kenya waa $121,000,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $27,590,000,000.

Soomaaliya

.

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 11,258,029.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 121,598 qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

.

Soomaaliya waxay leedahay

10 taangi.

100 gawaadhida gaashaaman.

Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

30 madaafiicda la jiido ah.

10 qalabka lagu rikabo gantaallada.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $5,300,000,000.

Itoobiya

.

Itoobiya waxay kaalinta 60-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Itoobiya qiyaas ahaan waa 108,386,391.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 41,143,474 ruux, oo u dhigma 38.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

25,508,954 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 1,989,698 qof.

Tirada ciidanka milatariga Itoobiya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 162,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Itoobiya.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Itoobiya

.

400 taangi.

114 gawaadhida gaashaaman.

67 madaafiicda iskood isku haga.

650 madaafiicda la jiido ah.

183 qalabka lagu rido gantaallada ah.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Itoobiya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Itoobiya waa $350,000,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $26,050,000,000.

Akhriste, Daawade iyo Dhageeste Waxaa Inoo Soo Socda Barnaamijyo kale oo aan idinkaga soo sameyndono Isbarbardhig Ciidamada Badda Ee Dalalka Kenya Somalia iyo Ethobia Ciidamada Cirka iyo Mihiimada Sedexdan Wadan ee Juquraafi ahaan Inaga oo ka eegidonna Dhinacyo badan Hadaba si Warbixinadaa aad uga maqsuudo Inala soco I.A