Subxaanallah Mucalim Dugsi Qur’aan Oo Kufsaday Gabadh 8-Sano Jir Ah

0
198

Waa Dhacdo Amakaak leh, Waa Fajac iyo Arin Murugo leh Oo aad U Xanuun Badan.

Waa Macalin Cusmaan Xasan Macaani oo In badan oo idinka Mid ah Ay Muuqaaladiisa Ku arkayeen Baraha Bulshada.

Waa Macalin Dugsi Qur’aan Oo sida uu Qirtayna waxaa uu Kufsi u geestan Gabadh yar oo 8-sano jir ah Kadib Markii ay Gaftay Aayad Qur’aanka kariimka kamida oo ay aheed in Macalinka ay iga baxdo kahor inta aan Dugsiga laga sii deyn.

Waxaa uu sheegay in Gabadhan yar uu Indhaha Uga Xiray Xijaabkeeda ama si kale aan u dhaho uu duubay oo uu Guulguulay Waxuuna Cadeeyey in uu ku sameeyey Fal aan Marnaba laga Fileyn Mucalim Dugsi Qur’aan Oo afkiisuba ay u sugnaatay Dhihida iyo Dhigaalka Qowlkii eebe.

Shaqsiga Wareysanaya ayaa Weydiiyey Mucalimka Bal inuu Cadeeyo Falka Foosha Xun ee uu ku kacay oo uusan ka laablaaban.

Tacadiyadda Kufsiga Gabdhaha Da’da yar ee aan Qaangaarin ayaa Mudooyinkii Dambe laga soo warinaye Qeebo Badan oo kamida Magaalooyinka Dalkeena Waana Dhacdooyin Isdabajoog ah oo Argagax leh Oo aan u wanaagsaneen Maqalka Dhagaheena.

Tacadiyada iyo Falalka Foosha Xun ee Lagula kaco Gabdhaha Da’ada yar ayaa ah mid bahalnimo ah oo inagu Tusaaleynaya in Ragga Qaar ay ka tageen Xishoodkii, Alle ka Cabsigii iyo Damqashada Qofeed intaba.