Calamada Kala Duwan Ee Soomaalida iyo Xilliyadda Dabaaldegyada.

0
154

Muddo 30 sano ah xornimadii ka dib ayuu calankaas buluugga ah ee dhexda ku leh xiddigta cad ee shan geesoodka ah kaligiis astaan u ahaa Soomaalida ku midowday gobolladii Waqooyiga iyo Koonfurta.

Laakiin wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa soo baxay calamo kale oo ka duwan kii ugu horreeyay.

Maanta oo uu Soomaaliya ka jiro nidaam federaal ah waxaa shacabka indhahooda ku soo batay calamo ay sameysteen maamul goboleedyada kala duwan ee hoos taga dowladda dhexe.

Marka laga soo tago Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, waxaa jira shan maamul oo ka jira Federaalka Soomaaliya – kuwaasoo mid walba uu leeyahay calan u gaar ah.

Dadka Soomaalida ah ee ka soo kala jeeda dowlad goboleedyada ayaa si weyn u daneeya calamada maamulladooda, qaarkoodna waxayba isbarbar dhig ku sameeyaan calamadaas kala duwan iyo midka Qaranka.

Muxuu ka dhigan yahay Calanka Soomaaliya?

Calanka Soomaaliya

sawirka Calanka Soomaaliya ee Astaanta U Ah Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa hindisay Alle ha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan

Dad badan waxay aaminsan yihiin in midabka buluugga ah ee calanka uu micnihiisu yahay “cirka oo aan caad lahayn”.

Hase yeeshee sida saxda ah waa in “midabkaas uu ka dhigan yahay badweynta ku teedsan xeebta ugu dheer Afrika ee ay Soomaaliya leedahay,” sida aynu ka soo.ciganay Abwaan Cali Jaamac Cawaale (Cali Dhoof) oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee khibradda u leh taariikhda calanka – kaas oo adeer uu u yahay Maxamed Cawaale Liibaan oo ah ninkii hindisay naqshadda calanka . Xiddigta shan geesoodka lehna “waxay mataleysaa shanta Soomaaliyeed, halka midabkeeda cadna uu yahay nabad.”

“12-kii Oktoobar, sannadkii 1952, ayaa la hindisay calanka, Astaanta U Ah Jamhuuriyadda Soomaaliya

Calamada dib ka soo baxay

Shan maamul goboleed oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa leh calamo u gaar ah, waxayna kala yihiin Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Punland.

Munaasabadaha ka dhaca deegaannada ay ka jiraan maamul goboleedyadaas ayaa lagu arkaa dadweynaha oo ku labisan calamada dowlad goboleedyadooda, iyagoo ku lammaaniyay calanka Soomaaliya.

Sidoo kale muddooyinkii dambe waxaa soo kordhay naqshadaha laga sameeyo calamada gaarka ah iyo qalab lagu xardho.

Waxaa ka mid ah kuulaha qoorta lagu xirta, jijimaha gacanta, sallado, qalimaan iyo waxyaabo kale.

Dhammaan calamada gaarka ah ee dowlad goboleedyada ayaa qeyb ka mid ah lagu muujiyay calanka qaranka.

Waxaa kale oo xusid mudan in ay jiraan “dad waddaniyiin ah oo uu ku weyn yahay calanka, taariikhdiisana jecel inay wax ka ogaadaan.”