Barakac Markale Ka Bilowday Magaaladda Beledweyne.

0
214

Dadkii ugu badan ee ku nool  Bedweyne ayaa saakay ka barakacaya Magaalada ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada haba ugu badnaato xaafada xaawa-Taako.

Dadka  ayaa la sheegay inay aadayaan dhinaca deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada Baladweyne si la  mid ah ay sanadkii horey ay ku barakaceen waxaan jirto cabsi xooggan oo ah in guud ahaan Biyaha ay gaaraan Magaalada .

Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene iyo Ganactasada oo iskaashanaya ayaa maalmahaan waday howlo lagu caru tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu kameynayo .

Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi Wasiiro ah u dirtay Beledweyne,kuwaas oo qiimeyn ku sameeyay halka ugu haboon oo Biyo xireen laga dhisi karo si looga baaqsado fatahaad.