Sawiro: Dadkii Ugu Badnaa Oo Ka Barakacay Magaaladda Beledweyne

0
102

Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in Dadka Deegaanku ay halkaa ka bilaabeen Barakac Xoogan.

Barakacan ayaa yimi kadib Markii Wabiga Shabelle ee Mara Bartamaha Magaaladda Beledweyne uu Bilaabay in uu Qarqarada Jabsado Xaafado kamida Beledweyne iyadoo Xaafadaha qaar ay la jirto Cabsi Xoogan.

Shalay Magaaladda  Waxaa gaaray Wafdi ay u dirtay Dowladda Soomaaliya oo Ay Kamid Yihiin Wasiiro Balse Waa un Qawda Maqashii Waxna ha u qaban Howsha Loo igmaday.

Dadka Barakacayaasha ah ayaa Waxaa ay u sii jiheysteen Dhanka Magaaladda Ceel Jaalle ee Duuleedka Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan sida uu Gargaar.net u xaqiijiyey midkamida Dadka Guryahooda isaga Cararay kadib Cabsida laga qabo Fataahad Xoogan oo uu sameeyo Wabiga Shabelle.