Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo Ay Ka Socoto Daabulida Dhaawacyadii Dalka Wax Looga Qaban Waaye.

0
225

Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho waxaa Taagan Diyaarad ay leedahay Dowladda Turkiga Taasi oo Taagneed ilaa Saakay Subax oo ay Keentay Dhaqaatiir iyo Dawooyin.

Xilligan waxaa Garoonka Ku Sugan oo Diyaaraddu lagu Daadgureynayaa tito Kamida Dhaawacyadii Qaraxii Shalay Gaar ahaan kuwii Cuslaa Dhibkooda ee Dalka Wax looga qaban Waaye.

Dhaawacyadan ayaa lagu wadaa in La geeyo Turkiga si halkaa Xaaladooda Caafimaad lagula Tacaalo.

Dowladda Turkiga ayaa kamida Dowladaha Saaxiibada Dhaw la ah Soomaaliya iyadda oo Ka Jawabeysa Dhibkii Shalay dhacay ayey Saakay Soo dirtay Gargaar deg-deg ah.

Wixii war ah ee soo kordhaa kala soco Gargaar.net  U Hiiliyaha Umadda Soomaaliyeed.