Tirada Dhimashada Qaraxii Ex-Kontarool Afgooye Oo Korortay.

0
199

Waxaa sii Kordheysa Oo Isisootareysa Khasaaraha Dhimasho ee ka Dhashay Qaraxii Saakay Ka dhacay Isgoyska Ex-Contarool Afgoooye Ee Duleedka Koofur-Galbeed ee Muqdisho.

Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Ee Magaaladda Muqdisho ayaa Gargaar.net Uga Warbixiyey Tirada Dhimashada Ee Cisbitaalkiisa Lageeyey.

73-Qof oo dhimasho ah iyo In Ka Badan 70-kale oo dhaawac ah ayaa la dhigay Cibitaal Madiina ee Magaaladda Muqdisho sida uu Maamulka Cisbitaalka Warbaahinta u xaqiijiyey taasi oo ka dhigan in Tirada Dhimashadu ay ka badan karto 100-Qof.

Cisbitaalada Faraha Badan ee Muqdisho ayaa iyaguna la geeyey Dhaawacyo Fara badan inkastoo Haatan weli Tirada Rasmiga ah ee Noloshooda Ku weysay Weerarkaa Qarax aysan Weli Xaqiijin DFS.

Maamulka Shirkada Amiin Ampalus oo iyaduna Daabuleysay Meydadka iyo Dhaawacyada Waxaa ay warbaahinta u sheegeen in Tiro Ka Badan 70-Qof oo Dhimasho ah iyo Dhaawac Tiro Beelay ay qaadeen oo ay geeyeen Cisbitaaladda Magaaladda Muqdisho.

Waxaa kaloo jiray Dad iyagu Hilbahooda Lakala Saari waaye oo iyaguna la isku Xaabshay si Hilbahooda Loo aaso.

Tan iyo Subaxnimadii hore ee Saakay waxaa Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho Tuban Waalidiin iyo Dad Baadi Goobaya Dadkoodii oo Raq iyo Ruuxba lagu la”ayahay kuwaasi oo Markii ugu Dambeysay Kawarhaye Ku Safarka Wadadaas.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net.