G/Aqalka Sare Oo Ka Tacsiyeeye Weerarkii Qarax Ee Ex-Kontarool Afgooye.

0
257

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ku hadlaya Golaha ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed., gaar ahaan ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisada ay la beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa Ex. Kontorol Afgooye.

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in gebi ahaanba la baajiyay kalfadhigii maanta ay Goluhu isugu yimaadeen, ayna xanuunka la qaybsanayaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibta ka soo gaartay xasuuqii argagixisada Al-Shabaab ay ka  geysteen isgoyska Ex-koontarool Afgooye.

Dad Fara Badan Oo Saakay Ka soo tagay Ehelkooda iyaga Oo faraxsan ayaa Dib loogu Gurya Noqay iyaga oo la balqinayo.

Dadka Geeriyooday Waxaa kamid ahaa Ardey Fara Badan oo qaaxu uu haleelay Gaari ay saarnaayeen iyaga oo kusii jeeday Xarunta Jaamacada Banaadir iyo Dad Rakaab ah oo isaga kala gooshaye Muqdisho iyo Goboladda Koofur Galbeed.