Xuska Sanad-Guurada 76,Aad Ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Ka Socota Muqdisho.

0
245

Munaasabad Lagu xusayo 76-sano guuradii ka soo wareegatay Markii La aasaasay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa haatan ka socota Garoonka Eng yariisoow ee Degmeda Cabdulcasiis ee Gobolka Banaadir.

20 December ee sanadkii 1943 ayay ahayd  markii la aas aasay ciidanka booliska Soomaaliya, waxaana maanta 76 guurada ciidanka booliska ay ka socotaa magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay iminka ku sii qul qulayaan Madaxda dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Ciidamada booliska ayaa lagu wadaa inay goobta ku soo bandhigaan gaaddo ka cayaar iyo hannaanka looga hortegayo falalka argagixisada iyo marka ay rabshado dhacaan

Ammaanka waddooyinka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadda oo ay adagtahay Wadooyinka Qaar ee Muqdisho isku socodka Dadka iskaba Daa Gaadiidka’e.