Khasaaro Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Xerada Ciidanka XDS Ee Hiilweyne.

0
191

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaadey saldhiga ciidamadda xooga ee Hiilwayne oo dhaca duleedka magaaladda Balcad.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Shabelle in a maqleen daryenka hub culus oo labadda dhinac ay is-weedaarsadeen.

Al-Shabaab oo sheegatay weerarka ayaa xustay in dagaalameyaasheeda ay gudaha ugu daateen saldhiga oo aad loo ilaaliyo.

Warka xarakadda Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey in ay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ciidamadda xoogga.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay in gaadiid dagaal ay ku gubtay xeradda isla markaana ka qaadatay saanad ciidan.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan weerarkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidamadda xoogga.

Xerada Hiilwayne ayaa lagu tababaraa ciidamadda difaaca qaranka gaar ahaan kuwa ka howlgala degaanadda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.